Author Topic: Su'aal: Caanaha Dameeraha, Ma Daawaa?  (Read 19861 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Caanaha Dameeraha, Ma Daawaa?
« on: May 02, 2017, 08:47:19 PM »
Salaan ka dib.
Waxaan in muddo ah maqli jirey in caanaha Dameeraha laga sameeyo daawooyin kala duwan sida daawada Kansarka Sambabbada, Madax xanuunka (dhanjafka) iyo qaar kale oo badan.
Waxaa kale oo aan maqlay in caanaha Dameeraha ay ku jiraan macdano badan oo leh awood siinta difaaca jidhka Aadamiga.
Marka, waxaan doonayaa in aan xaqiiqada arrintaas ogaado.
CAANAHA DAMEERAHA, MA DAAWAA?
Mahadsanidiin.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Caanaha Dameeraha, Ma Daawaa?
« Reply #1 on: September 27, 2017, 02:59:34 PM »


Bismillah,

Mawduuceenu maanta waa aqoon kororsi ee maahan talo bixin iyo bogaadin ku aadan isticmaalka caanaha dameerka. Waxaan kaga jawaabi doonnaa su'aalaha kore anagoo xusayno taariikhda, caafimaadka iyo diinta islaamka waxa ay ka qabto isticmaalka caanaha dameerka.

Caanaha Dameerka iyo Caafimaadka:
Diraasado dhowr ah oo lagu sameeyay dalalka reer galbeedka waxaa lagu sheegay in caanaha dameerku ay xambaarsan yihiin faa'idoon nafaqeed iyo mid caafimaadba iyagoo wax ka tara xanuuno dhowr ah, kuwaasoo ugu horeyso xiiqda, qix-dheerta iyo xasaasiyada caruurta. Waxay kaloo cilmibaaristu sheegtay in caanuhu faa'ido u leeyihiin maqaarka jirka iyagoo dhaldhalaal iyo nafaqo ka helo taasoo keentay in caanaha laga sameeyo saabuuno, kareemyo iyo saliido korka la mariyo.

Waxay cilmibaarisyadu isku waafaqeen in caanaha dameerka lagu badali karo caanah lo'da, lana siin karo caruurta xasaasiyadda ama allarjiga ku qabo caanaha lo'ada "Cow milk Allergy", sidaa darteed dalka talyaaniga, khaastaan magaalada "Bologna" waxaa ku taallo warshad wayn oo caanaha dameerka u sameyso caruurta cilladaan qaba waxayna ka beeciyaan isbitaallo badan oo Europe ku yaallo.

Caanaha Dameerka iyo Taariikhda:
Caanaha dameerka oo lagu daaweeyo xanuuno ay ka mid yihiin xiiq-dheerta waxay ka jirtaa dalal aad u badan oo ay ka mid yihiin dalal islaam ah, taasoo caado dhaqan ahayd muddo aad u fog.

Soomaalidu sidaasoo kale waxay ku daaweyn jireen cudurka xiqdheerta / qixdheerta oo ku dhacda caruurta yaryar, akhriso qoraal kuu faahfaahin doona xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1355.0

Wadankii ugu horeeyay ee laga soo gaaray adeegsiga caanaha dameerka in lagu daaweeyo xiiqdheerta waa dalka talyaaniga, iyadoo cudurka xiiqdheerta dalkaasi loogu yeero "qufaca dameerka", sidaa darteed waxaa loo malaynayaa in xilliyadii gumeystaha uu dalka soo gaaray in caanaha dameerka lagu daaweeyo qixdheerta, laakiin maahan wax la hubo.

Caanaha Dameerka iyo Diinta Islaamka:
Waa xaaraan adeegsiga hilibka iyo caanaha dameerka, waxaana la xaaraantimeeyay sanadkii 7-aad ee hijriyada, xilligii la furanayay kheybar. sidaa darteed culumada badankood way isku waafaqsan yihiin in adeegsiga caanaha dameerku uu xaaraan yahay, inkastoo culamadaasi ay ku shardiyeen in la adeegsan karo haddii waxtarkiisu hubaal yahay, baahina ay keento "daruuro" aan lagu dabooli karin qaab kale si loo badbaadiyo nafta qofka.

Inkastoo uusan cudurkana lahayn daawo rasmi ah oo loogu tala galay, laakiin wuxuu leeyahay tallaal looga hortago.

Waagii hore ee la isticmaali jiray caanaha dameerka, culimadii xilligaasi jirtay waxay dhihi jireen qofkii caba caanaha dameerka hadduu jannada galo arki maayo ehelkiisa!! madhabka imaamu-shaafici oo ay soomaalidu cuskato aad ayuu u cadeeyay inay hilibka iyo caanaha dameerku ay yihiin xaaraan adag in laga fogaadane ay waajib tahay.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid, ku soo dir qeybta su'aalah, haddiise aad u baahan tahay inaad dhakhtarka toos ula hadashid, kala xiriir bogga Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Caanaha naaska dhagaha ilmaha malagu shubi karaa?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12551
Last post February 06, 2016, 02:44:30 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa caanaha naasaha lagu badin karaa?

Started by Umu AmiraBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 71530
Last post August 10, 2015, 09:43:42 PM
by Umu Amira
Su'aal: Bacteria ka dilidda Caanaha xoolaha (pasteurization)?

Started by AahashiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6489
Last post March 18, 2016, 12:45:33 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Faa'idada ay leedahay cabista caanaha geela?

Started by Akhaa Binu JowhariBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 64823
Last post July 16, 2016, 08:54:43 PM
by Akhaa Binu Jowhari
Su'aal: Caano booraha iyo caanaha lo'da keebaa fiican?

Started by Nasteha AhmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9690
Last post October 25, 2017, 08:31:35 PM
by SomaliDoc