Author Topic: Su'aal: Urta farjiga?  (Read 6172 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Funasri

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Urta farjiga?
« on: May 05, 2017, 09:36:23 AM »
Asc ditoore aad baan kuugu mahad celina sida wanaagsan ee caafimaadka nooga caawisid waxay suaasheeda taha urta farjiga xilikasta waxa keena iyo talo iyo daawo


Mahadsanid ditoore




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Urta farjiga?
« Reply #1 on: October 01, 2017, 05:10:26 PM »
Urta farjiga waa cillad ay ka sheegtaan haween badan, waxa ugu badan ee keeno waa bakteeriyada ku nool xubinta taranka oo si xad dhaaf ah u badato, xaaladaas oo loo yaqaano "Bacterial vaginosis".

Waxaa ku xiga caabuqa lagu kala qaado galmada ee loo yaqaano "Trichomoniasis".

Badanaa caabuqa fangaska, jabtida iyo kalamiidiyaha ma keenaan urta farjiga.

Mararka qaar urta way isbadali kartaa adigoo wax caabuq ah qabin sida dhididka badan, huurka, xilliga caadada, nadaafad xumada IWM, laakiin urta ka timaado caabuqa waxaa lagu gartaa in qofka uu dareemo astaamo kale sida cuncun, qoyaan yimaado iyo dhabar xanuun.

Haddii ay jirto fiiskolo oo ah isu-furan u dhaxeeyo farjiga iyo malawadka, waxaa la dareemi karaa ur joogto ah oo aan isbadalayn hadduu qofka xitaa qaato daawo.

Haddii aad isku aragtay astaamaha kor ku xusan, fadlan la xiriir dhakhtarka haweenka, iskana ilaali inaad isticmaashid walxaha lagu carfiyo ama la mariyo xubinta hoose, taasoo keeni karto inay dhumiso isu-dheeli-tirnaanta aashitada xubinta, taasoo u horseedi karto in caabuq dheeraad ah yimaado ama jeermisiyo kale.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhiig ka yimaada farjiga maalinta 13 ama 14naad caadad ka dib?

Started by ImaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8810
Last post May 06, 2011, 06:44:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa Sababa Cuncunka Minka/farjiga dumarka ?

Started by MayusufBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 22700
Last post July 08, 2015, 04:39:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xaaskayga farjiga hadaan u leefo ka waran?

Started by KamaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7549
Last post January 05, 2019, 12:18:18 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhuunta farjiga ayaa i xanuunto?

Started by AshomBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 3977
Last post January 11, 2016, 03:24:43 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Aaryada ka imado farjiga dumarka?

Started by AmranqaaaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3513
Last post May 06, 2016, 08:51:50 PM
by SomaliDoc