Author Topic: Su'aal: Caadada ku xanuusanaaye ilaa bilawgii?  (Read 2536 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ummucabdulmuncim

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Caadada ku xanuusanaaye ilaa bilawgii?
« on: May 06, 2017, 12:33:18 PM »
Asc bahda somalidoc Illaahey kheir badan hani siiyo wax badan Ayaan ka faa iiday boga an.

Suaasheyda waxa waye wax badan ayaan caadada ku xanuusanaaye ilaa markii iigu horeeysey cadaada Doctor ka Africa waxe isin jireen pain killers Iyo talooyin lkn wadankan Doctor kan la xiriirey waxey isiisey Barth control pill  Abelonelle 28 maanan isticmaalin wali talo ayaan idin soo weeydiiyey soma doc. Malo qori kara qof cadaada ku xanuusta kaniinka ilmaha liskaga controlo?
Wax caado wareera ahna ma qabo. Uga raali ahaada hadan qoralka dheereyay.
Waa mahadsantihiin somadoc.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Caadada ku xanuusanaaye ilaa bilawgii?
« Reply #1 on: October 01, 2017, 05:17:02 PM »
Caado xanuunka waxaa keeno hormoonka loo yaqaano "Progesterone", kullamaa uu hormoonka bato kullamaa murqaha minka ay giigsamaan, xanuunkane uu bato, laakiin markaad qaadatid daawada ka hortagga uurka hormoonkaasi wuu yaraanayaa, xanuunkane wuu yaraanayaa. sidaa darteed ayay dhakhaatiirta u qoraan, laakiin maahan wax ay dhakhaatiirtu ka wada siman yihiin, tusaale: haddii aad u baahan tahay inaad uur qaado ama ka welwelsan tahay waxyeellada daawada, ha qaadan, laakiin haddii aad u baahan tahay in qoysheyato qoyska ama uurka dib u dhigto waad qaadan kartaa. Akhriso qoraal ku saabsan daawooyinka uurka looga hortago: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5840.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxan ku xanusada caadada waxan helaa bishii labo jeer?

Started by SaakinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7933
Last post April 28, 2016, 04:37:20 PM
by SomaliDoc
Canug lasoo xaaqay kadibna caadada oo wareertay iyo xanuun caloosha ah

Started by HonestboyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12357
Last post November 03, 2012, 09:51:06 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Naag uurleh xiliga caadada dhiig maka imaan karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26339
Last post March 14, 2015, 03:41:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhiiga caadada ayaa igusoo laabta bishii dhowr jeeer?

Started by KaltuunBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 10598
Last post May 22, 2016, 07:48:29 PM
by SomaliDoc
Su'aalo: Caadada Wareersan? Galmada Badan? Xilliga Uurqaadka?

Started by CaaishaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 51743
Last post January 01, 2011, 08:43:27 PM
by SomaliDoc