Author Topic: Dabciga Ka Baaraan Dagidda Go'aan Qaadashada  (Read 15529 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Dabciga Ka Baaraan Dagidda Go'aan Qaadashada
« on: May 07, 2017, 01:23:20 PM »
Markii qof aaan wax isku qabano oo hadlo ama aan hadlo oo hadal ka lagala sugto aniga mar walbo waxaa isii furmeeyso daaqado badan oo ii sahlaayo ineey sheekadu dheeraato anoo ula jeedin inaa muran dhalsho lkn aan kawado xal ahaan in la ogaaado xalka .. tusaale

Su'aal ayaa sooqoray waxaan usoo qoray somalidoc..

Kabasoo qaad waxaa lagu dooday mxaad ugu qortay su'asha somalidoc
  Saacaas lajoogo ee su'aashaas leey weeydiiyay maskaxdeeyda fikir kale ayeey xambaarsan tahay  ooo waxaaa dhahay somalidoc maxaaa loo sameeyay lkn qof ka waxoo sugaayay inaa sheego sababtaa ugu qoray

Marka sida su'al iyo jawaab loo wado waxaa soobaxeeyso in somalidoc su'aal laweeydiin karo looguna tala galay. Sidaas ayoo qof ku ogaanaa sababta anoo usheegin ayoo afkiisa isugu jwaabaa...
 

Saas aawgeed aniga waxaa jeclahay intii qof sheeko dheer laga dhegeesan lahaay oo aqbal ama diidmo lagaari lahaay in lagu daro su'aal iyo jawaab

Halagu daro su'aalaha lkn waa nuucee waa nuuuca dad ku igu naceen..  tusaale
 
Ganacsi  aan galno ayaa dhahnay ..okay lawada dhahay

Su'aal katimid sidee u gadnaa product ga
Qofaa dhahay sidaas iyo sidaas
 Anaa ku celinaa hadoo diido kawaran

Waaa heeysaneenaa ayoo iigu jawaabaa

Aniga kama harin hadaa heeysano maxaa faa'idnay

Waxoo dhahaa hantideeyna aya  noo baaqaatay

Waxaa kusii celshay hadeey baaqatay Soo kama fiicno inaa gadno
 Waxoo dhahaa haaa  lkn ma dhicin

Kama harin waxaa dhahay sidee uga fogaan karnaaa ...yaana kugu dheereeyn..Calashaan maskax deeyda kama dhamaato su'aaal xal lagu raadinaayo

Dabcigsaas waa dabcigee dabciyadaa nabarteen somalidoc
Maxaase looyaqaan qof kaas

Mase arin culeeys keed leh baa mase waaa wax normal

Maadama aaan jeclahay wax walbo oo yimaad inaa jawaab u raadsho




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Markii aan qof wax isku qabanno...?
« Reply #1 on: October 09, 2017, 04:54:49 PM »


Waxaan casharkaan kaga jawaabi doonnaa dabciga faahfaahintiisu kor ku xusan tahay, kaasoo ah in qofku taxaddar dheeraad ah muujiyo inta uusan go'aan ka qaadan arrin hor taalla, dhinac walbane u rogrogo, kana keeno su'aalo badan, taasoo dadka qaarkood u arki karaan dabci qallafsan oo shakki iyo go'aan qaadasho la'aan ku dheehan, qadarta Allane ka soo horjeeda, fadlan akhriso su'aasha kore inta aadan jawaabtaan akhrisan si aad u fahantid waxa aan ka hadlayo.

Bismillah,

Dabciga aad leedahay ee aad kor ku faahfaahisay wuxuu qeyb kasii yahay mid ka mid ah 5-ta shakhsiyadood ee aan horay u soo falaanqeeyay, kaasoo magaciisu ahaa "Conscientiousness personality", faahfaahintane waxaad ka akhrisan kartaa link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7943.0 si aad u ogaatid dabciyada kale ee kuu qarsoon.

Tani waa astaan lagu garto qofka shakhsiyadaas leh inkastoo qof walba heer u gaarsiisan tahay, laakiin waa dabci aad u fiican hadduu dhexdhexaad noqdo, qofkane ku talax tagin.

Sida ka muuqato faahfaahintaada, waxaad ku dadaalaysaa in howsha aad ku dhaqaaqi rabtid ay leedahay khuddo labaad (Plan B) lacalla haddii middii hore ay fashilanto iyo in fashilkaasi xal ka gaarsiis ah uu yeelan karo, Laakiin waxaa haboon in qofkaad la sheekeysanaysid in aad la wadaagtid caqabadaha kuu muuqda oo ka horimaan kara go'aanka aad diidan tahay, taasi waxay sahlaysaa in la ogaado sababta aad u diidan tahay go'aankaas, waxayna arintaas ka hortagaysaa in si khaldan laguu arko, dadkuna waxay siinaysaa kalsooni iyo in taladaadu tahay mid gorfeeyay. nasiib xumo haddii hadalka aad soo koobtid sida ka muuqato tusaalooyinka kore, waxaad u muuqanaysaa qof caqabad ku ah mashruuca la qorsheynayo ama aan diyaar u ahayn inuu wax qabto.

Dabciga aad tilmaantay waa mid fiican, waxaana loo yaqaanaa "Problems solver persnoality" taasoo macnaheeda ah "dabciga xalliyaha caqabadaha".

Dad badan ayaa fikrado khaldan ka aaminsan dabcigaan qofka iska leh, sida inuu yahay:
  • Qof fulay ah: maadaama uusan ku dhiiran karin go'aan qaadashada uuna mar walba raadinayo caqabad uu ku marmarsiyoodo.
  • Qof shakki badan oo ay dhib ku tahay go'aan qaadashada, su'aalahaan badanne ay ka tahay waqti dhumis iyo xujjo raadin.
  • Qof iimaankiisu daciif yahay ama qadarta Alle aan rumaysnayn, maadaam uu maskaxdiisu ku mashquulinayo how Alle tala saarasho u baahan.
  • Qof eed ka carar ah oo in go'aan loo qaato rabo ee aan go'aan qaadan karin
  • Qof lug gooyo badan: maadaama fikraddii la soo jeediyada uu dulduleelo ka fiirinayo.

Intaas iyo kuwa ka badanba waxay u soo muuqan kartaa dadka qaar ee la dhaqma qofka dabcigaan leh, laakiin waxaa looga hortagi karaa talada kor ku xusan.

Inkastoo dad dhif ah ay dabcigaan Alle ku abuuray laakiin waa dabci la kasban karo oo aqoon iyo tababar u baahan, waxaadne ku yeelan kartaa dabcigaan adigoo raaca 10-kaan qodob ee hoos ku qoran:

  • Ha noqon qof mar walba go'aankiisa ku adkaysta ama xujjo ka hor keena fikraddii loo soo jeediyaba khaasatan markay adigu kuula muuqato inay tii saxsanayd tahay.
  • Ha noqon qof dhib u arka mushkilaatka hor yaallo, waa inaad maskaxdaada ku tababartaa sida loogu ganbiyo taxaddiyaatka ka hor muuqdo.
  • Ha noqon qof maskax xirxiran, mar walba ogow inuu jiro ikhtiyaar (option) kale, iskuna taxalluji inaad raadisid.
  • Noqo qof meelaha dhaw ka raadiyo xalka inta aadan u gudbin meelaha fog, tani waxay xoojinaysaa awooddaada falanqaynta iyo xal raadinta.
  • Noqo qof fahma mushkiladda markaa ku hortaalla iyo caqabadaha ku heeraysan inta aadan raadin xal, taasi haddii aadan samayn waxay kuu horsaydaa niyad-jab iyo dhibaato kale.
  • Noqo qof awooda in xalka u muuqdo fahan siin karo qofka ka soo horjeeda.
  • Yuusan noqon go'aanka aad qaadatay mid dhib ku ah dad kale, ha noqdo mid adiga iyo dadka kalaba ay ku wada faraxsan yihiin.
  • Noqo qof ka hortaga dhibaatada, laakiin ha noqon qof dhibaatada la tacaala, taasi waxaad ku xaqiijin kartaa inaad fakar iyo qorsho isku dhaftid inta aadan go'aan qaadan.
  • Go'aan ha qaadan adigoo aysan kuu muuqan tallaabada xigta wixii aad samayn lahayd guul ama khasaaraba.
  • Waxa aad filayso markaad go'aan qaadatid ka dib ha noqdaan wax macquul ah oo aad qiyaasi kartid ama ka baaraandagi kartid, ha noqonin qof khiyaali ah.

Dadka dabciga kore leh, waxuu Alle ku abuuray 10-kaas sifo taasoo ka dhigayso dad ku fiican xallinta khilaafaatka iyo ka hortagga caqabooyinka aan u muuqan dad badan, waxayna heerkaas ku gaareen inay maskaxdooda mar walba ku jirto falaanqayn iyo qorshayn joogto ah oo ay ku raaxaysanayaan, waxaa la yiraahdaa dadka dabcigaan leh waxay ku fiican yihiin inay bartaaan cilmiga caafimaadka, cilmiga qaanuunga iyo cilmiga waxbaridda, maadaama ay tahay aqoon u baahan xilli walba falaanqayn, qorshayn iyo lafa-gurid, maskaxdane laga shaqeysiiyo.

Haddii aad leedahay dabci kuu gooni ah oo aad jeceshahay inaad wax ka ogaatid, noogu soo dir qeybta su'aalaha waan kaaga soo jawaabi doonnaa insha'llah, Laakiin haddii aad u baahan tahay inaad dhakhtarka si toos ah ula xiriirtid, farriin iigu dhaaf boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Re: Dabciga Ka Baaraan Dagidda Go'aan Qaadashada
« Reply #2 on: October 20, 2017, 07:06:27 AM »
Well done ...sidaa sheektay macalin ayaa ahay ..ardayda markaa wax fahansiinaayo hal meel kama tuso

Ardaygu waa qoslaa markaan qaab kale ugu sharaxo oo waxoo dareemaa qosol gariir...
Sidoo kale dad ka meesheey wax ka arkaan kama arko

Sidoo kale waa sax majecli in laguul dareeysto ..arinta markii lasameey naayo waa in xal kale jeeb noogu jiraaa

Masha Allah aad umahadsan tahay somalidoc.com

Offline Deeqo Ali

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Dabciga Ka Baaraan Dagidda Go'aan Qaadashada
« Reply #3 on: March 15, 2020, 02:48:34 PM »
Ani xataa dabcigaas waa lee yahay qofkaan see ku heli karaa aniga calista khilaafaadka ayaa bartay conflict resolution


 

Su'aal: Ookiyaal qaadashada imisa sano ayaa ugu fiican?

Started by GeesdiirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14766
Last post June 04, 2012, 07:30:05 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Saameynta cunno qaadashada iyo galmada?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 9726
Last post November 03, 2011, 06:10:32 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Vitamin iska qaadashada iyo caafimaadka?

Started by MohamedalhashiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28237
Last post May 16, 2015, 05:27:23 PM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan qaadashada multivitamins ka raga.?

Started by Aliyare144Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3255
Last post June 17, 2015, 11:21:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Isla qaadashada daawada iyo liinta?

Started by HbboyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9278
Last post November 17, 2019, 12:53:13 PM
by SomaliDoc