Author Topic: Dhibcaha Cadcad Ee Ciddiyaha Ku Samaysma.!  (Read 26808 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Dhibcaha Cadcad Ee Ciddiyaha Ku Samaysma.!
« on: May 08, 2017, 01:40:57 PM »


Bismillah,

Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa baraha ama dhibcaha cadcad ee ku samaysma ciddiyaha, afka qalaadne lagu dhaho "Leukonychia".

Badanaa barahaas cadcad waxay yimaadaan markuu dhaawac gaaro ciddida, wayna baaba'daa markay ciddida korto, waxayna ku badan tahay caruurta yaryar maadaama cidiyahooda ay jilicsan yihiin.

Wax caafimaad darro ah ma keento, wayna iska baaba'daa muddo ka dib.

Nuucaan dabiiciga waa midka ay soomaalida qaar tiraahdo "waxaro" iyagoo ku saadaaliyo in xoolo badan caruurta ay heli doonaan, maadaama markay yaryihiin waxaro la siiyo, inay u kori doonaan una badan doonaan.!!

Waxaa jiro nuuc aan laga aqoon kuwaan, astaanne u ah xanuuno jirka ku dhaca ama waxyaabo jirka ka maqan.

Goormay astaan xanuun noqotaa?
  • Haddii cadaanku ku faafo ciddida oo dhan, waxay astaan u tahay in jirka ku yar yahay borotiinka loo yaqaano "Albumin", borotiinkaan waxaa soo saaro beerka, marka haddii sidaan la arko, qofka waxaa laga baaraa caafimaadka beerka iyo caafimaadka kilyaha, waxaana loo yaqaanaa "Leukonychia Totalis".
  • Haddii cadcadaanku ay yeeshaan qaab xariiqmo ah, waxaa loo yaqaanaa "Leukonychia Striata", waxay astaan u tahay hadduu qofka ku sumoobo macdanta qaar sida rasaasta oo kale, waxaa kaloo keeni kara daawooyinka loo qaato cudurka kansarka, xaalado dhif ah waxaa lagu arkaa caruurta qaarkood oo aad ugu xanuunsado cudurka malaariyada iyo jadeecada.
  • Haddii cadcadaanku uu yahay kan dabiiciga ah ee sawirka ka muuqdo loona yaqaanno "Leukonychia Punctata", waa mid dabiici ah, muddo kadib ayuuna baaba'aa, hadduu baab'i waayo waxaa la aaminsan yahay in qofkaasi ay ku yar tahay maaddo nafaqo ah oo usan jirka ka maarmin, waxaana macdantaas loo yaqaanaa "Zinc", ka akhriso link-gaan waxa ay tahay maaadadaan iyo cunnooyinka laga helo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3238.0

Ogow haddii aadan wax xanuun ah isku arkin, dhibcahaan waa dabiici, wayna kaa baab'i doonaan, laakiin haddii aad xanuunsan tahay, adigoo xanuusanne ciddiyaha ay ku cadaadeen, markaas waxaad u baahan tahay in dhakhtarkaaga aad la socodsiisid.

Haddii aad su'aalo qabtid, ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Ashwaaqa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Dhibcaha Cadcad Ee Ciddiyaha Ku Samaysma.!
« Reply #1 on: June 17, 2017, 03:21:20 PM »
waa mahdsan tahay dr. waxaa ku arkay wiil shan jir ah oo dhalay dhibcahaas cad cad waana iga jahil bixisay. lkn laba cidi ayaa waxaa ku taalo wax gududan oo sidii bishii u wareegsan dhibna kuna hayo mana fuqayan oo waa gudaha maxaa keeni kara


 

Maxaa Keena: Calaacalaha Gacmaha Iyo Cagaha Inta Cadcad Oo Marna Kulul Marna Qabow?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26811
Last post March 10, 2012, 02:33:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maqaarka ilmaha yar oo cadcad yeeshta?

Started by MuniitBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4565
Last post December 03, 2018, 04:31:37 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sirta dharka cadcad ee dhakhaatiirta?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 5120
Last post January 09, 2019, 07:20:29 AM
by Akhaa Binu Jowhari
Maxaa keeno Cunista Ciddiyaha (Nail Biting)?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 36250
Last post February 19, 2015, 10:57:04 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa i xanuuno ciddiyaha lugaha?

Started by AlzubeydiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3090
Last post November 29, 2018, 04:50:44 PM
by SomaliDoc