Author Topic: Su'aal: Biyo bax zaaid deg deg ah?  (Read 7321 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Fariid yare

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Biyo bax zaaid deg deg ah?
« on: May 08, 2017, 11:57:44 PM »
Asc diktoore waxaan ahay wiil dhallinyaro da'da 21. Diktoore biyaha gacanteyda ayan isaga keeni jiray kadib waan dhibsaday oo waxaan go'aansaday ina iska dhaafo balse muddo kadib dareen markuu i galo baa waxaan billaabay in aflaam galmo ah daawado annigoo siigeysaneynin ama wax biyo ah iska keeneenin sidaa darteed markaan muddo iska daawado baa biyaha si iskood ah iney iiga imaadaan billaabatay..  Diktoore markii seddex goor cml sidaa biyaha iiga imaadeen ayaan waxaa isku arkay maalinbaa waxaa dhacday in filin galmo ah aan daarto markaas waxaa dhacday in markii aan kacsaday isla markii biyo iga imaadeen waan kanaxay arrintaa diktoore oo waxaan isdhahay saameyn bey kugu yeelatay ee diktoore maxaa igula talin laheed?..  Maxaase ila gudboon? ... Maka soo kabsan karaa xaaladaas mise daaweyn ayaan u baahanahay..... Mahadsanid fadlan iiga soo jawaab




Offline Fahrer2015

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Biyo bax zaaid deg deg ah?
« Reply #1 on: August 09, 2017, 03:40:37 PM »
Asc ,  walaal saad sheegtay waxaa ku haysta dhibaato biyo bax ama biyahaaga oo iska imanaya hadi aad daawato filim galmo ah.

diintu way mamnuucday daawashada waxyaabahaas , haday diintu wax mamnuucdana waxaa ku jira xikmad.

flimaata galmada aad bay u dhaawacaan qaybaha dareenka iyo shahwaadka , waxayna khalkhalisaa mareenadii saxda ah eed ninka ku tahay, waa sababta aad u arkayso mararka qaar wiilyar oo dhalin yaro ah oo ka cabanaya kacsi la aan ama inuusan awoodin inuu utago xaaskiisa halka sida caadiga lagu yaqaano ciladaas 70 jir iyo wax kasareeya.

dhibaatada daawasha flimada galmada ah halkan kagama sheekayn karo balse hadaan soo koobo

siigaysiga iyo daawasho kusiigaysiga
labaduba waxay keenaan PE iyo ED mana jirto wax uga naxdin iyo wareer badan ninka waayo waa mid hawl karnimada xaga gogasha meesha ka saaraysa.

PE waa biyaha oo durba kaa yimaada waxayna noqon kartaa xaalad caafimaad oo nafsiyan ah ama mid la xidhiidha xanuuno kale sida DM.

ED waa in xubinka taranka aad ka dareento awood dari ama uuba kuu kici waayo marka aad damacdo inaad ku shaqayso.

Doctorada caalamka oon ognahah inay raacaan western Conventional Medicine uma aqoonsana siigaysiga iyo flim kusiigaysiga inuu keeno wax dhib ah waxaana laguu sheegi siigaysigu waa "Healthy" markay saas dhahaan taas waxay ka dhigan tahay diyaar uma aha inay xaliyaan dhibka uu kugu keenay siigaysiga.

si kastaba inaad doctorkaaga la tashato waa laga maarmaan, si uu baadhitaan dheeri ah kugu sameeyo.

waxyaaba keeni kara PE (biyo baxa dagdaga ah  ee ugu badan xaga  dhalinyarta ;
wiilka yar markuu siigaysiga bilaabo wuxuu ku bilaabaa qaab dhuumalaysi ah marka uu hawshan bilaabayo waxaa ku jirta dag dag iyo yaan lagugu qabanin adoo siigaysanaya muhiimadiisa ugu wayn waa inuu durba biyaha iska keeno, tani waxay abuuraysaa marba marka ka danbaysa in dareenka iyo qalbigiisu u carbismaan ama utaba bartaan si dag dag ah.
si aad u fahantid suurto galnimadeeda waxaa haboon inaan  is xasuusino sheekadii Pavlov ee  Cuntada , Gambaleelka iyo Ay-ga

>>>>> hadaad aaminsan tahay in xaalad caafimad oo kale aynan ku haysan dhibkaaguna ku bilowday qaabkan
»»» xalku muxuu yahay.

dhibaatada ma aha mid ku timid habeen , ma aha mid ay maskaxdaadu aaminsan tahay inay tahay cilad ee waxay u diwaangalisay inay tahay wax fiican inaad durba biyo baxdo si aad diwaan galintaas aad u masaxdo waa inaad maskaxdaada dib u taba barto, waxaadna niyada ka saarta in muhiimadaadu tahay inaad biyo baxdo qudha.   dadaal iyo ka gonaansho hadad latimaado waa dawayn karta ciladan 100%  hadii aad ku biyo baxaysay sikino ama wax kayar dawiiqad waxaad gaadhsiin kartaa 1 saac oon kala joogsi lahayn waa hadaad rabto , wax ka celinaya majiro hadaad go aansato dadaalna la timaado.

mideeda kale imisa daqiiqo ayaa sax ah ama loo tixgalin karaa inuu ninku qabo biyo bax dagdag ah? su aashan ma aha mid si dhibyar looga jawaabi karo waayo jawaabo farabadan ayay buugtu qortaa.

balse anigu waxaan taageeraa qolada dhahda ninku wuxuu qabaa biyo bax dagdag ah hadii uusan isagu go aansan karin xiliga uu biyo baxayo.

sida caadi ga ah raga qaba biyo baxa dagdaga ah , ma awoodaan inay wadan hawsha ee hal mar kali ah ayay ku biyo baxaan qaarkood xita iyagoon bilaabin ba taas micnaheeda waxaa waaye ninkan isagu ma controlo ee waa la controlaa? waxa controla dareenkiisa iyo maskaxdiisa? taasna waxba kama qabam karo ilaa uu fahmo qaabka ay wax u dhacayaan.

dhibaatada biyo baxa  waxay lidi ku tahay farxada qoyska , waana laga marmaam in xal loo helo , waana fool xumo inaad dawo iyo geedo ruugto si aad u xaliso dhibaatadan

ED waa xubinka taranka oo awoodiisu is dhinto xiliga aad u baahato ama uuba kici waayo , sida aan kor kusoo sheegay kusiigayga flimada galmada ah waxay dhaawacaan marinka saxda ah ee dareenka  iyo shahwaadka , waxaa jira maado la dhaho Depomine waa maado uu jidhkeenu sii daayo marka uu kaco xiliyada kacsiga ,farxada iyo waxkaste oo balwad ah waata ka masuulka ah inaad maalinkii  10  jeer iyo inkabadan aad  booqato fb kuguna adkaato inaad joojiso . jidhku wuu controlaa inta iyo xadiga uu soo daynayo sida caadiga ah Allah baana ugu talagalay.

balse marka aad daawato flimada galmada ah ee aad usii dhexgasho depomine waxay goosataa xadhka ah marba marka kasii danbaysa dareenkaagu wuxuu dooni depomine aad u badan si aad u raaxaysato waa sababta ruuxu uga fikirayo sex ga markaste , qaabab kala duwan oo xad dhaaf ah wuuna kusii fogaadaa.

ruuxu markuu mar xaladan marayo waxaa aad u yaraada xiisaha uu u qabo waxyaabaha kale ee nolashiisa muhiim ka u ah ( careless) .

depomine xadhka ah goostay saas kaaga hadhi maayo ee waad wadi siigaysiga si xad dhaaf ah waliba ilaa aad noqoto bilaa kacsi/bilaa dareen  ,  waxayna saamaynaysaa maadooyinkale oo muhiim ah sida serotonin.
sidoo kale waxay saamaysaa Vitaminada jidhkaaga kujira oo yaraada sida Zinc iyo kuwo kaloo badan.

sidoo kale waxaad isku arkaysaa hamigaaga oo yaraada iyo bilaa xiiso.

ruuxa siigaysta iyo ruuxa jaadka cuna haku kala duwanadaan qaabka laakiin waa isku mid xaga balwada mid kaste wuxuu quudiyaa Depomine jidhkiisu aad ugu haraad qabo.

hadaan usoo laabto ED; kacsi bilaa awood ah ama kacsi laanta  saamaynaysa ruuxan oo kale ma aha wax la la yaabo sababtuna waxay salka ku haysaa sidii aan kusoo sheegay PE ama biyo bax dagdag ah , kasoo ahaa qofku inuu dareenkiisa uu taba barto biyo bax dagdag ah.

tana meel ayay isaga mid yihiin xaga tababarashada ee ruuxa kusiigaysta flimada galmada ah . dopomine kiisu marba mar ka danbaysa xadhkaha ayuu goostaa , aakhir waxay keentaa in qof kaas noqdo less sensetive ama waxyaabaha kukicinaya uu aad u yaraado  ilaa aad hesho qaabkii khaas ka ahaa ee depomine ta farabadan aad ku helaysay. waa sababta ay rag badan xaaskooda markay damceen inay u tagaan ay isku arkeen kicitan laan  ama kicitaan yar oon lagu shaqayn karin  , halka marka ay   daawadaan flimaan galmo ahna ay isku arkaan  waxogaa raaxo ah oo sidii hore aad uga fiican.


iskusoo duub dhibaatada siigaysiga iyo mida flim galmo ah kusiigaysiga waa dhibaato wayn oo bulshadeena aad ugu soo batay hada .

waxaana kula talinaynaa dhalinta inay ka fogaadaan dabeecadaas foosha xun ee dhawaan nolasha iyo farxada  qoyskiisa muranka galin doona.

waxaan ku qoray Tablet si dagdag ah waxii khalad xuruufta waad ka raali ahaanaysan

Fahrer
 





Offline Fahrer2015

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Biyo bax zaaid deg deg ah?
« Reply #2 on: August 10, 2017, 11:46:14 PM »
sixitaaan Vitamine- nada sida Vitamin B12 iyo C.

Zinc ma aha Vitamine waa Macdan uu jidhku aad ugu baahan yahay, si difaaca jidhka  si haboon u shaqeeyo. 

zinc  farabadan ayaa jidhka kabaxa marka siigaysiga la joogteeyo.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Biyo bax zaaid deg deg ah?
« Reply #3 on: June 09, 2018, 07:54:00 PM »
Fariid yare, ka faa'idayso qoraalkaan aan ku soo aruurinay natiijadii cilmibaarisyada kala duwanaa ee lagu eegayay dhibaatooyinka caafimaad ee laga dhaxlo daawasha filimaanta jinsiga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7635.0

Waxaa qoraalkaan kale ka akhrisataa, dhibaatooyinka siigeysashada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2209.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: