Author Topic: Su'aal: Markii howsha Sariirta aan dhameeyo?  (Read 7164 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Qahdaan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Markii howsha Sariirta aan dhameeyo?
« on: May 11, 2017, 10:59:26 AM »
Asc magaceygu waa Abdinasir Dr. Jazaakallah sidaa noo dhiiri gelineyso inaa wixii su'aasu'aal  ah ee  Aan qabno Kuu soo gudbin Karno Anigana waxaan wataa  su'aal Ah.
Waxaan isku arkay markii howsha Sariirta aan dhameey (Biya Baxo) lugaha wey i gororaan inta jilbaha ka hooseeso Maxaa keeni kara Dr. Maxaase u baahanahay inaan Qaato ? MAHADSANID




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Markii howsha Sariirta aan dhameeyo?
« Reply #1 on: October 09, 2017, 08:04:58 PM »
Waa cillad ay dad badani ka sheegtaan, sida dabiiciga ah dadka qaar marka ay biyo baxayaan, waxaa wada kogmo murqaha dhbarka, barida iyo lugaha, waxaa xaaladaas loo yaqaanaa "Myotonia", waa arrin dabiici ah, laakiin dadka qaar waxay ku reebtaa tabardarri, goror, dikaan ama gariir.

Dadkaasi waxaa lagula taliyaa inay cabaan biyo badan sababtoo ah markuu jirka fuuq baxsan yahay, xanuunka murqaha aad ayaa loo dareemaa galmada kadib, marka ku dadaal inaad biyo cabitaanka joogtayso maadaama jirka u leeyahay faa'idooyin badan. akhriso qoraal aan kaga hadalnay faa'idooyinka biyaha ee jirku u leeyahay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5971.0

Midda kale hadday jirka ku yar tahay macdanta loo yaqaano "Postassium" iyadane murqo xanuunka iyo gororka waa la dareemaa biyo-baxa ka dib, sidaa darteed waa inuu qofka ku dadaalo cunista mooska oo laga helo macdantaan, akhriso faa'idooyinka kale ee mooska laga helo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7215.0

Marka soo socoto tijaabi, biyo badan cab, xabad moosne cun inaad caadi noqotid ayay u badan tahay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: