Author Topic: SU'AAL: KELIDA BOOSKEEDA KA DHAQAAQDA?  (Read 3366 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Samakaab

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
SU'AAL: KELIDA BOOSKEEDA KA DHAQAAQDA?
« on: May 11, 2017, 08:08:16 PM »
Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakatuhu.
Dr Bacda Salaan waxaan ahay Nin dhalinyaro ah waxaan utagay Dhakhtar wuxuu isaaray Computer laba dhakhtar oo kala duwan waxayna igu dhaheen Labaduba Kalida bidix baa booskii loogu talo galay aan joogin oo Mindhicirka meel xudunta ka hoosaysa joogta, hadaan waydiiyayna mid kamid ah wuxuu iyiri waxaa dhici karta in loogu talo galay booskas oo alle ku abuuray, dhakhtarku wuxuu kaloo igu yiri iska ilaali laba kiniini Improfin mid kii kale wan ilaaway iyana maxay dhiba oo keeni karaan..
Marka Dr ciladan oo kale ma aragtay maxaase sababi kara xalse maleedahay.
Dr waxaan qabaa Gaas, cuntada dhibaan ku qabaa oomateedkaygu aad buu uhooseeyee sidoo kale Miisankaygu waa yar yahay, cuntada hadaan waxyar ka cuno lalabo iyo matag baa iqabanaya, waxaan jeclahay cuntada kaligay inaan cuno oo anoo cunto kaligay meel ku cunaya hadii qof iisoo galo matag baa iqabanaya Dr Mushkiladaas baa ihaysata mudo dheer dhowr dhakhtarna waan utagay matagaygu waa afka hore meel fogba ma jiro ilaahay baa caafimaadka haya wixii tala Dr waan idin kaga fadhiyaaa insha,allah.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: KELIDA BOOSKEEDA KA DHAQAAQDA?
« Reply #1 on: October 09, 2017, 08:39:37 PM »
Midda ku saabsan killida bidix, waa sida ay dhakhaatiirtu kuu sheegeen, waxaa la dhahaa "Pelvic kidney" waa killida oo ku abuuranto meel hooseyso, laakiin waxaa muhiim ah in la ogaado in killidaasi ay shaqeyneyso iyo in kale, waxaane lagu ogaadaa baaritaan scan oo loo yaqaano "CT Angiography", haddii ay shaqeyneyso waa Alxamdulilaah, haddii aysan shaqeyneyn waxaad heesataa hal killi kaliya waana inaad ka taxaddartaa wax walba oo killida shaqadeeda hoos u dhigi kara sida daawooyinka qaar ay dhakhaatiirtu kuu sheegeen.

Midda kale ee ku saabsan lalabada iyo matagga, waxaad u baahan tahay in saxarada la baaro si loo ogaado in gaas ay tahay arintaan iyo inuu infekshan caloosha uu jiro, sidaasne laguu daaweeyo.

Fadlan daawo video-gaan oo aan kaga hadlay xanuunka gaaska iyo cudurrada kale ee lagu qaldo:

Qeybta 1-aad:


Qeybta 2-aad:
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Kaadihaysta oo booskeeda ka soo baxday?

Started by Raaqiya HamudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2575
Last post December 22, 2019, 12:33:44 PM
by SomaliDoc