Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Isha oo aad moodo in waxa quraanjo oo kale ah hor socoto?

(1/1)

Salaado cali:
Isha bidixi oo waqtiyada qaar markaat meel iftiin ha joogtid hor socodaan waxa waxa yar oo madow oo hadaba kuu raacay dhinacaa u jeesto?

SomaliDoc:
Haddii aad rabgtid goobaabin madaw oo goobaabin ifaysa ku wareegsan oo ishaada hor socoto haddii aad isku aragtid si joogto ah waxaa laga yaabaa inuu kugu soo socdo xanuunka loo yaqaano "Glucoma", fadlan faafaahinta xanuunkaan iyo astaamaha kale ee lagu fahmo ka akhriso casharkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1410.0

Haddii waxa aad arakaysid ay yihiin wax wareegsan oo aragaaga gees uga baxayo oo aanan mar walba ku hortaagnayn, si aad u aragtidne aad indhaha isku qabanaysid, taasi wax dhib ah maahan, waana wax ka dhasha iftiinka aad fiirinaysid adigoo meel mugdi fadhiya, wax xanuun ahne shaqo kuma lahan.

Salaado cali:
Sax Dr waa markaan u soo baxa keel iftiin waxa xanuuna iguma hayso

Navigation

[0] Message Index

Go to full version