Author Topic: Su'aal: Gariir wadne garaac iyo tamar la'aan?  (Read 5717 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Gaashaan_2

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Gariir wadne garaac iyo tamar la'aan?
« on: May 13, 2017, 02:57:12 AM »
ASC BAHDA SOMALIDOC.COM
waad ku mahadsantiviin sida quruxda badan ee aad noogu adeegtaan ....?

Dr waxaan ahy da,adayda 24 sano jir
Waxaan isku arakay mudo 3sano ka badan
1: gariir jidhka oo dhan ah khaasatan marka aan fadhiisto ama aan jiifsado waliba ubadan dhanka midig lugta iy gacanta midig marka qaar marka aan hurdada dhamaysto waxaan dareemaa garir naxdin leh
2: wadne garaaac said ah oo aad moodo in uu gariirka la shaqaynayo ama aay wada socdaan garirka mar marka qaar go'a aan huwanahy ayaan ka dareemaaa heerka gariirka iyo wadna xanuunkaygu gaarsiisan yihiin ....
3:awood la,aan labada gacmood iyo iyi labada lugood ah  waliba gacanta iyo lugta midigwaana mesha uu gariirrku ugu nadan yahy....

Markaa dr waxaaa jirta dhakhaatiir aan la kulmay waxay igu dhaheen wadna garaacaaguna waa normal gariirkuna waa caadi wuu iska tagayaaa...  mida kale waxaaa ixanuunaya labada garab salkooda ilaa margiyada haba ubadnaado xanuunku dhanka midige ma laga yaabaa in uu faalig isu badalo hadii wax laga qaban waayo  markaaa xanuunadan maxaa ka dhexayn kara mahadsanid dr




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Gariir wadne garaac iyo tamar la'aan?
« Reply #1 on: October 25, 2017, 08:14:26 PM »
Cilladaan faalig maahan, mana isku badali doonto haddii aadan horay u qabin xanuunka faaliga keeno, Fadlan akhriso qoraal aan kaga hadalnay dadka uu faaliga ku dhaco iyo xanuunada lala xiriiriyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3552.0

Mararka qaar waxaa dhici kara iyadoo tirada wadne garaacaagu ay sax tahay, haddane inuu wadnaha ku gariiro oo khalkhal dhinaca korontada ay jirto, waxaa cilladaas loo yaqaanaa "Atrial Fibrillation", lagumana fahmo qalabyada lagu cabiro dhiig-karka iyo wadne garaaca, laakiin qaabka uu wadnahaaga u garaacmayo ayuu dhakhtarka ka fahmi karaa qalab la'aan, fadlan akhriso qoraal ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1423.0

Midda kale haddii wax cillad ah aan wadnahaaga lagu arkin baaritaan ka dib, waxaa jiri karo gariir la xiriiro xanuuanda murqaha ku dhaco, gariirkaasne waxaa loo yaqaanaa "Fasciculation" ama dubaaxin, marka waxaa haboon in aad dhakhtar cudurrada guud la xiriirtid si loo ogaado cilladaadu waxa ay tahay iyo qaabka laguu qabanayo labaduba.

Haddii aad u baahan tahay in wada sheekeysi kaala yeesho xanuunkaaga si aan faahfaahin dheeraad ah u helo, farriin iigu dhaaf boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 33025
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Suaal hurdo la'aan iyo wadna garaac hadii aan jamaac sameyo

Started by SiyaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9348
Last post June 04, 2012, 07:05:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadno garaac kabadan inta la yaqiinay?

Started by Abu SumayaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5634
Last post June 11, 2017, 11:28:58 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadno garaac ayaan isku arkay?

Started by Khalid17Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5867
Last post December 08, 2018, 12:11:04 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna garaac suxdin wato?

Started by FatimaaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6264
Last post August 21, 2011, 02:25:12 PM
by SomaliDoc