Author Topic: Su'aal: Caano booraha iyo caanaha lo'da keebaa fiican?  (Read 9552 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Nasteha Ahmed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Caano booraha iyo caanaha lo'da keebaa fiican?
« on: May 13, 2017, 11:40:10 PM »
Asc Dr: waadku mahadsantihin wacyigalinta iyo latalinta caafimaad ee bulshada.

Dr waxan u baahanhy in information aad nagasiiso caano booraha iyo caanaha lo'da ee saafiga yaa carruurta caafimad ahan iyo waxtarba u faa'iido badan?

Badanaa dadka qaar waxey dhahan caanaha lo'da cudur ayey ka qaadan carrurrta maadama aysan jirin dhaqaatiir baarta caafimadka xoolaha somalia sidaas darteed waxa jiro hooyoyin badan oon anigaba ugu horeeyo ee carruurtooda siiyo caano boore inkastoo caano boorahaba ay yihiin caano laso warshadeyey. Maxad kula talineysa hooyooyinkaas. Aad ayad u mahadsantihin bahda Somalidoc.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Caano booraha iyo caanaha lo'da keebaa fiican?
« Reply #1 on: October 25, 2017, 08:31:35 PM »
Mar walba waxaa fiican oo waxtar badan caanaha saafiga ah ee xoolaha, laakiin waa qasab in la karkariyaa si jeermiskii cudurka gudbin lahaa loo dilo, akhriso qoraal ku saabsan qaabka ugu haboon ee caanaha loo karkariyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6653.0

Haddii aanan laga helin caano dabiici ah meesha aad ku nooshahay ama aad ka cabsanayso inaysan saafi ahayn, waxaa haboon inaad caruurta siisid khaasatan kuwooda yaryar caana booraha iyaga loogu tala galay oo ka duwan caana booraha ganacsiga loo keeno oo dadka waawayn cabaan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Imisa jeer aya ugu fiican inan galo gymka todobaadkii?

Started by SalmnyareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14134
Last post February 25, 2016, 01:10:42 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cunidda Hilibka Sagaarada Ma U Fiican Yahay Caafimaadka?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 17193
Last post November 22, 2011, 04:35:50 PM
by CilmiSabca
Su'aal: In Caruurta Daawada Lagu Qasbo, Ma Fiican Tahay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14761
Last post December 05, 2011, 06:10:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ookiyaal qaadashada imisa sano ayaa ugu fiican?

Started by GeesdiirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14759
Last post June 04, 2012, 07:30:05 PM
by SomaliDoc
Su'aal: ma waxaa fiican in la qalo thyroid-ka mise in la daaweeyo?

Started by SulekhaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14466
Last post May 02, 2015, 01:34:26 PM
by SomaliDoc