Author Topic: Su'aal: Barar iyo dufan?  (Read 3370 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Su'aal: Barar iyo dufan?
« on: May 14, 2017, 02:46:54 PM »
 1: waxaa jiro  waxyaabo kulul sida masaajada xabatu soowdada  oo barar ka ba'sho
 2: waxaa jiro waxyaaba dufan ka guba sida suuman ka korontada  ama kareemo

1:waxyaabaha barar ka ba'sho  oo ana kulel ka aheeyn markii la marsho   maxaa ka mid ah? (1)
 2: waxyaabaha xeeyrta ama dufan ka jirka ku jira firaar sha ama dhalaal sha markii la marsho waa maxaay (2)

 dabiica iyo kareem intaba... thank you




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Barar iyo dufan?
« Reply #1 on: November 19, 2017, 10:01:00 AM »
Laba arrin ayaad isku qaldaysaa, bararka jirka korkiisa ku samaysma markay qof jug gaarto ama wax uu dhibsado waa calaamad lagu garto jawaab celinta jirka markuu hur ama balbal la kulmo "Inflammation", taasi waxyaabo badan ayaa dajiyo oo ay ka mid yihiin daawooyin iyo waxyaabo dabiici ah sida saliidaha qaar aad xustay, qasabne maahan in saliiddu ay kulushahay.

Dufanta jirka gudihiisa ku jirto si loo baab'iyo ama loo milo waa inuu qofka jimicsi sameeyo si dabiici ah ayay markaas u firaarmaysaa, laakiin daawo jirka la mariyay ama daawo la qaatay waxba badali mayso waa waxyaabaha dadka lagu khiyaano, lacago badanne looga qaato, xittaa suunka aad sheegtay wax caafimaad ah sax maahan, dhibaatooyin badan ayaana laga qaadaa, waana dhowr nuuc, horay ayaana uga hadlay ee akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3110.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaan dareemayaa barar caloosha kor keeda?

Started by MaxdaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5099
Last post July 18, 2015, 01:52:47 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Barar lugaha ayay hooyo leedahay?

Started by Madar AdenBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3242
Last post January 10, 2019, 09:31:09 PM
by SomaliDoc
Barar iyo xanun xidid kamid ah gacanta

Started by Osman HajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 3067
Last post July 14, 2020, 10:23:21 PM
by Osman Haji
Su'aal: Maxa Keena Cago-barar?

Started by Hafsa IsseBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 46270
Last post April 07, 2015, 04:08:20 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhibane gynecomastia naaso barar?

Started by SadaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4418
Last post April 05, 2018, 01:50:39 PM
by SomaliDoc