Author Topic: Dadka Qaarkood Oo Hamaansiga Isku Daarto.!  (Read 21386 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Dadka Qaarkood Oo Hamaansiga Isku Daarto.!
« on: May 17, 2017, 02:55:57 PM »


Bismillah,

Hamaansiga la isqaadsiiyo ama la isku daarto waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Contagious Yawning", taasoo ah macnaheeda in haddii aad la kulantid qof hamaansanayo in aad adiguna hamaansatid.

Sida caadiga ah, hamaansigu wuxuu la xiriiraa caajiska, hurdada iyo isbadalka heerkulka cimillada, laakiin nuucaan la isku daarto wuu ka duwan yahay.

Waxay cilmibaarayaasha isku dayeen, welina aysan ka quusan inay ogaadaan sababta rasmiga ah ee ka damabaysa in hamaansiga la isqaadsiiyo, illaa iyo hadda jawaab rasmi ahne lama haayo, laakiin waxaa la isku waafaqsan yahay dhowr arrimood oo kala ah:
  • Qofka badanaa markuu hamaansiga bilaabayo kama war hayo, wuxuu is arkaa uun isagoo hamaansanayo.
  • Hamaansigu waa arrin maskaxda la xiriirta, laakiin qaabka uu hamaansiga ku bilaabanayo lama garanayo.
  • Aragti kaliya laguma hamaansado, haddii aad akhrisid erayga "hamaansi" xittaa, dadka qaar way hamaansadaan, haddii aad maqashid dhawaaqa hamaansiga adne waad hamaansanaysaa, waana sababta badanaa dadka isla dukanayo salaadda ay hamaansiga iskugu daartaan iyagoo aan isku jeedin.
  • Caruurta ka yar afar sano iyo kuwa qaba xanuunka "Autism" hamaansiga iskuma daartaan.

Rasuulkeena suuban NNKH wuxuu noo sheegay in afka aan daboolano markaan hamaansanayno si uusan shaydaanka afka nooga galin ama noogu qoslin, wuxuu kaluu noo sheegay in shaydaanka uu xididada dhiigga bini'aadanka uu raaci karo, waxaa kaloo jiro xadiith oranayo in shaydaanka uu keeno hamaansiga inkastoo culumada u fasiraan dhinaca caajiska iyo caga-jiidka, marka waa suuragal in hamaansiga uu la xiriiro arrimo aan cilmibaaris lagu ogaan karin ama bini'aadanka uusan fahmi karin!.

Aqoon oo dhan Alle ayay u sugnaatay, laakiin illaa iyo hadda jawaab lagu qanci karo lama haayo oo aan ka ahayn in is-qaadsiinta hamaansigu ay tahay "Isku dayasho aan kontaroolnayn!!".

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http:/somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26459
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21463
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 44021
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47815
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29382
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc