Author Topic: Su'aal: Xaaskeyga Ayaa waxey qabtaa Wadno xanuun?  (Read 4756 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mustaf Colombo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xaaskeyga Ayaa waxey qabtaa Wadno xanuun?
« on: May 17, 2017, 05:32:11 PM »
Asalaamu Caleykum Dr Mahdi
Waxaan rabaa inan ku weydiiyo Xaaskeyga Ayaa waxey qabtaa Wadno xanuun mar mar qabto

1. wadno xanuunka markey dareemayso waa marka uu Jiro Kulayl Ama markay isku buuqsantahay marka hore waxa wadnaha ka fuulayo culays iyado dhib ay ku tahay inay neefsato Ama ta badalkeed garaaca wadnaha zaaid noqdo mudo markay sida dareemayso waxa macquul ah in ogaalka ka tago mudo kadib way so tooseysa

2.  ta kale o ah dhiiga aya ku yaraado waxay ku ogaan Karta waxay noqonaysa qof caajisan mar walbo o hurdo maaahe wax kale eesan u bixin cunto hadi ay cunto iyo hadi kale wa iskugu mid o maaha qof baahi dareemo jirkeda wa kululyahay mar walbo madax xanuun neh sido kale wey dareemeysa

3. Dhiigeda Si lama Filaan ah ayuu udhacaa Sidokalena Muuqalkeda Wuu isbadalaa Horay ayaa laga fahmaa

Mahadsanid Dr Mahdi Jawaab aan ka sugaaa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xaaskeyga Ayaa waxey qabtaa Wadno xanuun?
« Reply #1 on: November 24, 2017, 07:49:41 PM »
Xaaskaaga waxay u baahan tahay waraysi dheeraad ah iyo in baaritaan dhinaca dhiigga ah lagu sameeyo.

Qaabka aad u sharaxday xanuunka waxay u badan tahay in cilladdu ay tahay "Stress" ama isku-buuq taasoo calaamadaha aad tilmaantay oo idil yeelan karto sida diidmada, neeftuurka, bog xanuunka, kor hurka, cunno xumada iyo hurdo la'aanta, sababta intaas oo idil loo dareemane waa cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaco, garaaca wadnaha oo siyaado, aashitada caloosha oo kacdo, qasab maahan in dhiigyari ay jirto, waxaa laga yaabaa in cadadda dhiigeeda uu normal yahay.

Insha'llah haddii aad dhakhtar u gaysid waxyaabaha laga baarayo ha lagu daro heerka hormoonada thryoid-ka oo astaamahaan qaar yeelan karo.

Caafimaad ayaan u rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33406
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32444
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23636
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41791
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal : Gacanta bidix kala gooys calaacasha iyo gacanta ayaa i xanuunta?

Started by AadaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 41476
Last post January 20, 2018, 03:01:49 PM
by Abdirizak Hazzan