Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Wejiga ayaa I boodbooda ama dubaaxinaya
(1/1)
Abdulrasak:
Dr inta u dhexaysa labada suniyood ee wejiga ayaa I boodboodaysa maalintii labaad, dhig kar igu cusub na waan leeyahy daawada dhiig karkana joogto ayaan u qaataa marka waa maxay sababtu ?
Thanks Dr.
SomaliDoc:
Murqaha wajiga oo ku dubaaxiyo sida sunniyaha oo kale waxay calaamad u noqon kartaa dhowr arrimood oo kala ah: inaad cabtay kaffee aad u badan, inaad isticmaashid daawooyinka qaar sida kuwa qallalka ama daawooyink dhimirka, sidoo kale waxaa keeni kara stress-ka ama daalka indhaha markaad isticmaasho shaashahada TV-ga iyo mobeelka, sidoo kale hadduu jirkaaga ku yar tahay maadada bootaasiyamta oo laga helo muuska isagane wuxuu keenaa dubaaxinta ama jaraynta murqaha yaryar ee jirka.
Taladaydu waa inaadan ka welwelin arintaan, way iska baaba'i kartaa muddo kadib, inkastoo aan filaayo inay xaaladaadu sabab u tahay welwel kaa haysta dhinaca xanuunka dhiig-karka ee marka dhaw lagugu sheegay.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version