Author Topic: Su'aal: Xanun xiliga biyo baxa?  (Read 5632 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Jibril Ahmed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xanun xiliga biyo baxa?
« on: May 21, 2017, 01:05:41 PM »
Asc w wr Dr Mahdi & somalidoctor dhaman
Salan kadib.waad kumahad santihiin deeqda caafimaad & talada caafimaad ee aad ugu deeqdeen dad weynaha somaliyed waxan leeyahay ilahay ha idinka ajarsiiyo hana idiin siyaadiyo cilmigiina.
Waxan idin waydiinayaa maxaa keena xanuun xiga biyobaxa waxan dareemaa xanuun marka  biyuhu iga imaan nayaan xanunkan waxan kadareemaa xubinta taranka ilaa lugta bidixda ah dhankeeda  xiga dhanka midig   ilaa jilibka ilaa xiniinta bidix  mudo bilo ah baan dareemayey xanunkas mahad sanid dortor




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xanun xiliga biyo baxa?
« Reply #1 on: November 28, 2017, 02:17:21 PM »
Xilliga biyo baxa oo la dareemo xanuun waa cillad lagu arko ragga qaarkood waxaana laga dareemaa xubinta, qooraha, qaska illaa canjirrada lugaha.

Waxyaabaha ugu badan ee cilladahaan keeno waxaa ka mid ah:
  • Caabuqa qanjirka borostaatada: waa qanjirka ragga ee u xilsaaran ragannimada iyo shahwada, hadduu infekshan qaado waxaa la dareemaa cillad dhinaca kaadida ah, wuxuuna mararka qaar keenaa xanuun xilliga biyo-baxa, akhriso qoraal ku saabsan xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html
  • Cilladda xannibo tubooyinka shahwada soo qaado, tanne waa cillad lagu garto xanuun siyaado ah xilliga biyo-baxa oo qofka xanuunkaan dartiis iskaga ilaaliyo inuu galmo sameeyo. waxyaabaha xiro tubooyinkaas waxaa ka mid ah dhagax ku samaysmay ama fiix ka soo baxday.
  • Daawooyinka qaar sida kuwa niyadjabka, welwelka loo qaato, waxyeellada daawooyinkaas ayaa ka mid ah in shahwadu ku xanuunjiso.
  • Cillad neerfo oo loo yaqaano "Pudendal neuropahty", waa neerfo qaska ku jiro oo biyo-baxa la shaqeeyo, hadduu neerfahaas jiran yahay ama dhaawac uu soo gaaray, waa la dareemaa xanuunak biyo-baxa.
  • Waxyaabaha kale oo aan badnayn oo keeno xanuunka biyo-baxa waxaa ka mid ah caabuqa trichomoniasis ee galmada lagu kala qaado iyo cillad nafsi ah oo galmada la xiriirta, waxaana middaan dambo lagu fahmaa in xanuunka la dareemo kaliya xilliga galmada laakiin aan la dareemin xilliga siigeysiga.

Sidee loo baaraa cilladaan?
Maadaama muddo aad dareemaysid xanuunkaan waa qasab inaad dhakhtar la xiriirtaa si laguu waraysto oo loo kala sooco cilladaha aan kor ku soo xusay, kadibne laguu diro baaritaanno iskugu jira baaritaan kaadida ah iyo qalab kumbuyuutar oo la saarayo qanjirka borostaatada iyo xiniinyaha.

Sidee loo daaweeyaa xanuunka biyo-baxa?
Daawadu waxay ku xiran tahay cillada kuu keentay dhibkaan aad dareemaysid, laga yaabo in daawo antibiotic aad qaadatin inaad ku fiicnaatid ama qalliin aad u baahatid, laakiin waa muhiim inaad dhakhtar la xiriirtay aqoon u leh cabashadaada.

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah ama su'aalo khaas ah kugu taagan yihiin, igala soo xiriir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Wax ka baro Ilka-baxa iyo Ilka-dawacada

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 32102
Last post July 05, 2015, 08:53:23 AM
by Darmaan123
Su'aal: Waa maxay finka kaso baxa dabada? Una eg kaso bax cml?

Started by Ahmed dollarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25454
Last post October 22, 2016, 05:04:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Biyo-bax degdeg ah marka hore kadibna wuu daahaa, maxaa keeni karo?

Started by DiinowBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17641
Last post April 08, 2011, 08:37:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan biyo badan cabo ilaa (750 ml) waxyar kadib kaadi baa iqabanaysa?

Started by Mohamed AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 18645
Last post September 04, 2016, 07:49:05 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena in lugaha biyo galaan dadka sokorta qaba?

Started by Iraado MacalinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9388
Last post March 26, 2016, 02:29:50 PM
by SomaliDoc