Author Topic: Su'aal: Waxa aan isku arkay miisaankayga oo sii lumaaya?  (Read 3354 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Khalled Mohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxa aan isku arkay miisaankayga oo sii lumaaya?
« on: May 22, 2017, 12:51:55 PM »
Asc dr aadban kusalamayaa zalan ka dib
Waxan isku arkay muddo laga joogo hadda sanad waxa aan imi wadan qurbe ah oo aan wadankii kasoo maqanahay waxa aan isku arkay miisaankayga oo sii lumaaya waaxan isku dayay in aan hakiyo miisan lumista markii an imi waxa aan ahaa 64 hadda waxa aan ahay 58kiloo tallo ayan kaaga baahanahay dr sidii an ku hakin lahaa sidoo kale waxa aan galayaa shaqo oo hadii miisankaygu ka hooaeeyo 60 lay qaadanmaayo sideen ku siyaadiyaa miisankayga dr plz iga caawi hadi ay suura gal tahay




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxa aan isku arkay miisaankayga oo sii lumaaya?
« Reply #1 on: December 02, 2017, 08:38:00 PM »
  • Badso cunnada tamarta leh sida hilibka, digaaga, ukunta, kalluunka, baradhada, digirta iyo lowska
    Si aad u kororsato nus kiilo usbuucii waa in aad cuntaa cunno aad ka helaysid ugu yaraan 1000 kalori ka badan inta aad isticmaashay.
  • Kala dooro cunnada, hilib iyo kalluun ku badalo rootiga, ukunta ka dooro qudaarta haddii aad rabtid miisaan dhakhso ah.
    Cun cunno ku badantahay borotiinka iyo karbohaydareetka.
  • Badso cunnooyinka fudud una dhaxeysii waqtiyada quraacda, qadada iyo cashada.
  • Cab dareerayaal nafaqo leh sida caanaha iyo juuska.
  • Samey jimicsi joogto ah si murqahaaga u dhismaan.
In miisaan la dareemi karo ku kordho waxay u baahantahay bil iyo wixii ka badan ee ha dagdagin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26747
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21637
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 44268
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Ha Isku Qaldin Jinniga, Sixirka, Isha iyo Cudurrada Maskaxda ku Dhaco!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 42312
Last post July 05, 2015, 10:14:33 AM
by Darmaan123
Su'aal: Habeenkasta waxaan soo toosaa anoo isku kaajay si bilaa dareen ah?

Started by Naciima/maxamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5473
Last post February 10, 2016, 02:25:27 PM
by SomaliDoc