Author Topic: Su'aal: Caloosha dhinaca Bidix oo markad wax cunto ku xanuunaysa?  (Read 7866 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Shaybe10

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Asc wr wb Dr  caloosha ayaa layga hayaa dhanka bidix xanuunkan waxan isku arkay 2009 kii ilaa xiligaa inuu soo bato mooyee waxba kama dhacaan.
markii hore wuxu ku bilowday halka laabta iyo calooshu iska soo galaan halka yare jilicsan baa I xanuuni jirtay hoos buu udagay  dhinacaa I xanuunaya ayuu markii danbe noqday wan is badhay waxay yidhaahdeen waa gaastari lkn kiniinka gaastari du waxba igama taro.
Xanuunkaygu wuxu u badanyay markan cuntada cuno bes markaa aan dhergo uun meeshaasi I xanunaysaa Gaas tana waxay dadku yidhaahdaan markanu gaajoono ayay na dhibta lkn aniga markan gaajaanayo ayaan ladanayba
Waxaad moodaa markan dhergo in nabarka calooshu cidhiidh yayso oo uu damqanayo markan is idhaahdo jiifso ayu usii daranyay markan tooso ee iska shaqo tago alxmdulilah wan caafiaad qabaa

Dr ilaahay khyr haydin siiyo cilmiga iy caqliga haydiin barakeeyo amiiiiiiiiin bal xanuunkayga kazoo warama

Wabilahai Towfiiq




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Caloosha dhinaca Bidix oo markad wax cunto ku xanuunaysa?
« Reply #1 on: December 02, 2017, 09:06:39 PM »
Cilladaadu waxay u badan tahay caabuqa caloosha inuu ku hayo weliba xanuunka loo yaqaano "Amoebiasis" ama xanuunka kale ee isagane la magac baxay "mindhicirrada kacsan", fadlan akhriso qoraal ku saabsan labadaan xauun:

1- Caabuqa Amebiasis: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8331.0
2- Cilladda mindhicirrada kacsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3417.0

Waxaa muhiim ah in saxarada lagaa baaro si looga shakki baxo caabuqyada caloosha ku dhaco ee kala duwan, fadlan dhakhtar la xiriir.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniintayda midig way ka yar tahay xiniintayda bidix?

Started by Muwadin_QaranBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7273
Last post November 16, 2018, 01:43:21 PM
by Sadaq10
Su'aal : Gacanta bidix kala gooys calaacasha iyo gacanta ayaa i xanuunta?

Started by AadaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 41306
Last post January 20, 2018, 03:01:49 PM
by Abdirizak Hazzan
Canug lasoo xaaqay kadibna caadada oo wareertay iyo xanuun caloosha ah

Started by HonestboyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12079
Last post November 03, 2012, 09:51:06 AM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan gooryaanka caloosha iyo wax yeelada uu ugeeysto qofka qabo?

Started by DeeriusBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 27857
Last post October 27, 2012, 09:40:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa mudo bilo ah i xanuunaya qeybta hoose ee caloosha?

Started by Umu khaalidBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 9559
Last post February 26, 2016, 03:58:42 AM
by Umu khaalid