Author Topic: Xalawada Iyo Ku Daaweynta Hergabka.!  (Read 33165 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xalawada Iyo Ku Daaweynta Hergabka.!
« on: May 24, 2017, 03:14:26 PM »


Bismillah,

Xalwadu waa macmacaan laga isticmaalo meelo badan oo dunida ka mid ah khaassatan dalkeena, xalwada waxaa laga sameeyaa saliid, sokor, warango (cornstarch) iyo waxyaabo lagu carfiyo sida subag, qorfe, xawaash iyo laws.

Dad badan ayaa xalwada u aaminsan inay daawo u tahay cudurrada qaar sida hergabka, jugta / urugta, cunno xumida iyo nafaqo darrada ama si kale haddii loo dhigo inay difaaca jirka u roon tahay, lagua cayiliyo dadka caatada ah.

Cilmi ahaan markii loo fiiriyo, taasi waxba kama jiraan, xalawadu waxa ugu badan oo laga sameeyo maadaama saliid iyo sokor ay tahay, waa sax in qofka gaajaysan uu tamar ka helayo, laakiin isbadal caafimaad jirka kuma soo kordhinayso.

Marka su'aasha isweydiinta mudan waxay tahay: maxay dadka uga fiicnaadaan hergabka markay xalwo kulul isticmaalaan?

Sida aan wada ognahay, hergabku waa cudur uu keeno fayras, kaasoo ka faa'idaysto difaac yarida jirka, qofka wuxuu dareemaa, qufac, hindhiso, dhuun-qallayl, san-durdur, cuna-xanuun iyo tabar-darri.

Markii xalwada daawo ahaan loo adeegsanayo, badanaa waxaa lagu daraa caano, dadka qaarne filfil ayay ku karkariyaan.
Taasi ayaa keenayso in qofka uu isbadal dareemo maadaama caanaha ay borotiin leeyihiin, kuleelka xalwadane wuxuu milaa xabka dhuunta ku xiran, filfishane waxay sare u qaadaa difaaca jirka. marka sababtu maahan xalwadee waa kuleelkeeda iyo subagga oo dhuunta subkinayo iyo caanihii iyo filfishii lagu daray oo labaduba hergabka inay u roon yihiin la xaqiijiyay.

Waxyaabaha dabiiciga ah oo cilmi ahaan loo hubiyay, waxaan hadda ka hor kaga hadalnay qoraal aan ugu magac darnay "iska daawee hergabka dhakhtar la'aan", fadlan ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6018.0

Xalwadu waxay ku fiican tahay in la cuno munaasabaatka iyo ciidaha, laakiin in cunno ama daawo ahaan loo joogteeyo caafimaadka uma roona, macaanka xalawada uma roona ilkaha, sokorta iyo saliiddane xanuuno badan ayaa lala xiriiriyaa.

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan, haddii aad doonaysid in aad la sheekaysatid dhakhtarka, ku soo biir barnaamijka cusub ee "dhakhtarka la tasho" oo halkaan aad ka heli kartid: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Saameynada Liddiga ah ee Daaweynta Kansarka

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 15024
Last post December 19, 2008, 06:23:44 PM
by SomaliDoc
Hababka Daaweynta ee Xanuunada Maskaxda

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 0
Views: 28080
Last post March 09, 2009, 11:50:13 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Daaweynta buufka caruurta?

Started by CabduqaadirsomaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3108
Last post August 31, 2017, 10:34:59 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Daaweynta baabasiirka dibadda ah?

Started by Ner yareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3131
Last post December 12, 2018, 03:19:04 PM
by Akhaa Binu Jowhari
Su'aal: Ku daaweynta Liin bambelmada?

Started by Ismaciil yuusufBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 2692
Last post May 16, 2019, 10:29:00 AM
by Ismaciil yuusuf