Author Topic: Su'aal: Waxaan isku arkay buruq yar oo xaniinta bidixda ah?  (Read 4057 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Xasany

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Asc wr waan idiinkaga mahad celinayaa sida aad isugu xilqaanteen u adeegidda Bulshada.
Waxaan aqriyay Qoraal aad uga hadasheen xaniinyaha dhiiga kuxirmay ee galaha aan unaqaano anigase wax yara kaduwan ayaan isku arkay,
Markaan ugudbo su'aasheyda waxaan isku arkay buruq yar oo xaniinta bidixda ah korkeeda kutaalo wax xanuun ah iguma heyso waqti badana waa igutaalay honqor ayaan moodi jiray habeen anoo riix riixaayo ayaa qoyaan kayimid waxaan kutiray warqada safaleetiga ahaanta loo isticmaalo habeen ayey aheyd dhiig ayaan umaleynaayay  Nalka markaan lategay wey kaduwanaadeen wixi dhiig wax aan garan waayay ayey naqdeen kuuskina wuu baaba'ay xattaa marka aan riixayo dareen xanuun ah malaheyn warqadi wixi aan kutirayne waxaan haayaa sawir  aan kaqaaday qaab aan ugusoo diro waan garan waayay halkaan haddii aad iga jaahil bixin kartaan waan jeclaan lahaa inaan wax ka ogaado buruqdaas yare xaniinta iigataalay sawirka waxa ka imaadayne si'aad u aragtaan waan jeclaan lahaa inaan idinla wadaago wcs




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan isku arkay buruq yar oo xaniinta bidixda ah?
« Reply #1 on: December 17, 2017, 10:25:23 AM »
Bismillah,

Hadduuba ahaa kuus aad tuujin kartid oo dheecaan ka imaanayo maahan wax gudaha xiniinyaha jiro, laakiin wuxuu ahaa wax qooraaha korkiisa ku eg, waxayna u badan tahay cillad loo yaqaano "Epidermal cyst" oo ah dulduleelada qooraha oo xirmo kadibne kuus isku badalo, kadibne la tuujin karo oo wax cad oo jaallo xigeen ah ka soo baxaan, wixii faahfaahin oo ku saabsan cilladaan ka akhriso qoraalkaan  oo aan ku faahfaahiyay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8468.0

Haddii aad u baahan tahay in warqado ama sawirro noo soo dirtid oo ku saabsan cilladaada, noogu soo hagaaji qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25778
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26484
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24780
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan rabaa inan halkan idinku so gudbiyo dhowr xanuun?

Started by C.risaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9872
Last post January 09, 2016, 03:27:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan socdo waxaan dareemaa in uurjiifku uu dhaqaaqa joojiyo?

Started by Umu MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9403
Last post February 12, 2016, 08:11:39 PM
by SomaliDoc