Author Topic: Su'aal: Dhiigga HB-ga oo hoos u sii socda?  (Read 3944 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Daud Abdikarem

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhiigga HB-ga oo hoos u sii socda?
« on: May 28, 2017, 04:15:05 PM »
Dhiiga HB ga oo hoos usii socda Saddex blood gudahood kaso dhacday 16 Marayana 6 . maxa sababay




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhiigga HB-ga oo hoos u sii socda?
« Reply #1 on: December 17, 2017, 10:35:37 AM »
Dhiigga oo si dhakhso ah u yaraado waxaa keeni kara dhowr arrimood oo kala ah:
1- dhiigbax aanan lagu baraarugsanayn sida nabro mindhicirrada ku yaallo, baabasiir, dillaac futada IWM, waxaana arrimahaan lagu garan karaa saxarada oo dhiig leh ama madaw isku badasho sidii dhuxushii oo kale, mararka qaarne aragti laguma fahmi karo oo saxarada ayaa lagu sameeyaa baaritaan la dhaho "Stool for Occult blood".
2- dhiigga oo burburayo ama baaba'ayo taasoo ka imaan karto dhowr cilladood oo kala duwan, waxaana arintaan loo yaqaanaa "Hemolytic Anemia"
3- Dhuuxa lafaha oo istaajiyay inuu dhiig sameeyo taasoo ka imaan karto cillado kale oo ku dhaca dhuuxa lafaha, waxaana dhiigyaridaan loo yaqaanaa "Aplastic Anemia"


Waxaad u baahan tahay inaad dhakhtar cudurrada ku gudu ku takhassusay aad la xiriirtaa ama dhakhtar cilladaha dhiigga ku takhassusay "Hematologist", midda kale waa muhiim in baaritaanka la xaqiijiyo inuu saxan yahay, dhiigaaguna uu 6 gaaray.

Haddii aad u baahan tahay la talin khaas ah, igala soo xiriir qeybta messages-ka ee bogga Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxa keena in xubinta taranka ragga ay hoos u qallocato?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8013
Last post March 03, 2016, 02:27:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan isku arkay qooraha oo hoos u dheeraaday?

Started by Ugaas141Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 78459
Last post February 10, 2016, 05:23:25 AM
by Abu-ayub
Su'aal: Maxaa keena inu difaaca jidhku hoos u dhaco?

Started by QawdhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 11069
Last post May 19, 2012, 12:35:28 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xubinta taranka raga ee hoos u qaloocda?

Started by Axmed CumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6875
Last post June 13, 2018, 11:10:23 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa dareenka hoos u ridi kara?

Started by AdenyareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 12732
Last post November 13, 2017, 02:57:41 AM
by CilmiSabca