Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Dhiigga HB-ga oo hoos u sii socda?

(1/1)

Daud Abdikarem:
Dhiiga HB ga oo hoos usii socda Saddex blood gudahood kaso dhacday 16 Marayana 6 . maxa sababay

SomaliDoc:
Dhiigga oo si dhakhso ah u yaraado waxaa keeni kara dhowr arrimood oo kala ah:
1- dhiigbax aanan lagu baraarugsanayn sida nabro mindhicirrada ku yaallo, baabasiir, dillaac futada IWM, waxaana arrimahaan lagu garan karaa saxarada oo dhiig leh ama madaw isku badasho sidii dhuxushii oo kale, mararka qaarne aragti laguma fahmi karo oo saxarada ayaa lagu sameeyaa baaritaan la dhaho "Stool for Occult blood".
2- dhiigga oo burburayo ama baaba'ayo taasoo ka imaan karto dhowr cilladood oo kala duwan, waxaana arintaan loo yaqaanaa "Hemolytic Anemia"
3- Dhuuxa lafaha oo istaajiyay inuu dhiig sameeyo taasoo ka imaan karto cillado kale oo ku dhaca dhuuxa lafaha, waxaana dhiigyaridaan loo yaqaanaa "Aplastic Anemia"


Waxaad u baahan tahay inaad dhakhtar cudurrada ku gudu ku takhassusay aad la xiriirtaa ama dhakhtar cilladaha dhiigga ku takhassusay "Hematologist", midda kale waa muhiim in baaritaanka la xaqiijiyo inuu saxan yahay, dhiigaaguna uu 6 gaaray.

Haddii aad u baahan tahay la talin khaas ah, igala soo xiriir qeybta messages-ka ee bogga Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/

Navigation

[0] Message Index

Go to full version