Author Topic: Su'aal: Kaniini xoojiya Shaqada sariirta?  (Read 6189 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Aboma02a

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Kaniini xoojiya Shaqada sariirta?
« on: May 31, 2017, 11:36:53 PM »
Asc Ramadan kariim dhaqaatiirta sharafta leh waxan idin kaga mahad celineynaa sida aad nooga haqabtirtaan baahida dhanka caafimaadka.  Hadan u gudo galo suasha aan qabo waxan arkay Kaniini la dhaho wuxu xoojiyaa Shaqada sariirta Kaas oo haaynaayo 1:45 min ayaan aqriyay magaciisa Waxaa waaye  Testo Ultra dhaqtar waxan kaa codsanaa in aa ee faah faahiso in aay sax tahay Waxa aan arkay Waxaa ku qoran war bixin aay dhahayaan wuxu ka sameysan yahay wax yaabo dabiici ah MA na ahan sida viagaro waad mahad san tahay sxb yaal




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Kaniini xoojiya Shaqada sariirta?
« Reply #1 on: January 05, 2018, 08:30:57 PM »
Taasi waxba kama jiraan, daawooyinka ugu badan ee internetka lagu xayaysiiyo laguna gado ee beenta lagu lifaaqo ayay ugu horeeyaan kaniinada nuucaan ah, midda kale in la yiraahdo daawadaan waa dabiici waa istaraatiijiyad suuq geyn oo shirkado badan adeegsadaan ee ka fogow intaad ka fogaan kartid, haddii aad daawo qaadanaysid la tasho dhakhtar, sababtoo ah waxaa dhici kara in dhibaato hor leh ay kugu reebaan sida horay u dhacdayba, horay waxaan uga hadalnay malab daawo ahaan loo yiri waxaa loo isticmaalaa sariirta oo aad suuqa u soo galay, dhalinyaro badanne ku daateen, qaar badanne ay ku xanuunsadee in gadaal laga ogaaday markii la baaray ka dib in daawada Viagra oo xad dhaaf ah in malabka lagu soo daray, akhriso qoraal aan horay uga hadalnay dhibaatada laga dhaxli karo daawooyinkaan haddii uusan dhakhtar kuu qorin: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3443.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaan Ka Cabanayaa Ciyaarta Sariirta Gudniin Awgiis?

Started by HonestboyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8845
Last post June 04, 2012, 07:39:03 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markii howsha Sariirta aan dhameeyo?

Started by QahdaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7166
Last post October 09, 2017, 08:04:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Niyad xumo sariirta ah?

Started by Ahmed tilmaameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4632
Last post December 14, 2018, 12:18:46 AM
by SomaliDoc
Su'aal: 50 jir oo xaga sariirta ka caajisay?

Started by JimcaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5314
Last post May 05, 2019, 11:59:32 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa sababa xiliga shaqada wadno xanuun?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4000
Last post October 02, 2015, 11:07:54 AM
by SomaliDoc