Author Topic: Su'aal: Faaiidada malabka u leeyahay galmada?  (Read 20403 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Maahir12

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Faaiidada malabka u leeyahay galmada?
« on: June 02, 2017, 11:55:16 AM »
Asc wrx wb, salaan kadib mahad badan ha idinka gaarto bahda bogaan somalidoc.com sida isxilqaanka leh ee aad bulshadiina u caawisaan Eebe idinkaga abaalmariyo adeega aad u haysaan bulshada.
 
salaan iyo mahadnaq kadib, waxaan jeclaan lahaa inaad ii faaiidaysaan ama jawaab inaga siisaan faaiidada malabka u leeyahay galmada.

    mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Faaiidada malabka u leeyahay galmada?
« Reply #1 on: January 10, 2018, 08:10:23 PM »
Malabku waa mucjiso rabbaani ah oo aduunka noo dhigay, maalinba maalinta ka danbayso waxay cilmibaarayaashu ogaadaan waxtar cusub oo aan horay loo ogeyn.

Arinta ku saabsan awoodda jinsiga iyo Malabka waa arrin ummadihii hore ay adeegsan jireen, weliba lagula dardaarmi jiray lamaanayaasha cusub in malab la siiyo bisha ugu horayso ee arooskooda, halkaasne uu ka yimid magaca "Honeymoon".

Malabka waxaa ku jirto macaadin iyo nafaqooyin muhiim u ah awoodda jinsiga, wuxuu kordhiyaa dareenka, wuxuuna xoojiyaa kacsiga, wuxuuna qofka siiyaa awood jireed.
 
Waxaa lagu taliyaa in qaaddo malab ah iyo qorfo la shiiday la isku qaso, kadibne saacad ka hor xilliga sariirta la qaato si waxtarkiisa loo dareemo.

Way jiraan qaabab kale oo badan oo loo isticmaalmo malabka, laakiin qaabkaan ayaa ugu caansan.

Midda kale ka taxaddar waxaa suuqa la keenaa malab la soo baceeyay oo ay ku qoran tahay waxaa lagu daaweeyaa kacsi darrada iyo awoodda galmada, kuwaasoo qaarkood markii la baaray la ogaaday in lagu soo daray daawada "Viagra" ee loo qaato arrimahaas.

Akhriso qoraal aan kaga dignay arintaan hadda ka hor: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5503.0

Midda kale link-gaan hoose ka akhriso cudurrada lagu daaweeyo malabka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3929.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Faa'idada uu leeyahay "KONTAKT LINSEN"?

Started by Maajid DalabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6327
Last post July 21, 2017, 07:37:20 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa sababa xanuun ku yimaada raga xiliga galmada?

Started by Shamso MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21042
Last post September 16, 2015, 02:20:23 PM
by SomaliDoc
Su'aalo: Caadada Wareersan? Galmada Badan? Xilliga Uurqaadka?

Started by CaaishaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 51735
Last post January 01, 2011, 08:43:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Kiniinka awooda galmada maxuu udhimi karaa caafimaadka?

Started by TimocadeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 36500
Last post March 31, 2017, 07:43:12 PM
by SomaliDoc
Suáal: Cudurka macaanka galmada ma layskugu gudbiyaa?

Started by Ahmed333Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 27079
Last post June 12, 2009, 12:08:53 AM
by SomaliDoc