Author Topic: Su'aal: Daqaatiir ayaa igu dhahay jirkaga waxa ka helnay TB?  (Read 3515 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Sahroyariisey

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Suaal lamad mudo laga joogo Lama sano daqatiir aya igu dahay jirkaga waxa ka helnay tb jiifto 3 bil kasto diig aya leyaga qadi jiry waxey igu dahen3 bil dawo ah aya ku siinena  wan kaso tagay wadankas hada wadankala aya ku nolahay  mana u shegin in daqatiir kala sas igu so dahen wadankan wow Ibaray waxna iga ma helin  malaga yaba in jirkeyga ka baxday maxa talo iga sii lahed 




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Daqaatiir ayaa igu dhahay jirkaga waxa ka helnay TB?
« Reply #1 on: January 18, 2018, 08:47:48 PM »
Tiibishada jiifto ama hurudo waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Latent Tuberculosis", macnaheedu waxay tahay in hadda ka hor qofka uu jirkiisa soo martay jeermiska keeno xanuunka tiibishada, laakiin jirka ayaa iska difaacay, sidaas darteed xanuun kuma keenin, qofkane wuu caafimaad qabaa, laakiin waxaa jirkiisa ka muuqdo raad hore in jeermiskii isagoo aan wax dhibaato keeni karin in jirka uu ku jiro, dadka sidaan ah waxaa laga yaabaa in Tiibishadaas ku soo kacdo hadduu difaaca jirkooda hoos u dhaco sida markuu qofka ku dhaco cudurka HIV-ga oo kale.

daawada 3-da bil la qaato markii qofka lagu arko in jirkiisa ay horay jeermiska Tb-da u soo martay waxay ka jirtaa wadamada qaar khaasan kuwa Europe maadaama uusan jeermiska Tb-da aan laga aqoon, laakiin qof ka yimid ama ku noolaan jiray dhulalka ku badan cudurka Tb-da haddii la fiiriyo in jirkiisa uu hadda ka hor la kulmay iskana difaacay jeermiska Tb-da waa laga heli karaa, laakiin taasi macnaheedu maahan in daawo lagaa siiyo.

Marka waxay u badan tahay in jirkaagu waxba iska badalin, laakiin sharciga u dagsan labada wadan ee aad kala tagtay inuu kala duwan yahay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: