Author Topic: Cabitaanka Sisinta Iyo Faa'iidadiisa..!  (Read 33500 times)

0 Members and 6 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cabitaanka Sisinta Iyo Faa'iidadiisa..!
« on: June 04, 2017, 03:02:37 PM »


Bismillah,

Sisintu waxay ka mid tahay dalagyada dalkeena ka baxa, waxay aad muhiim ugu tahay caafimaadka, waxaana laga helaa nafaqo kala duwan, saliida macsarada oo loo yaqaano boqoraddii saliidaha "queen of oils" ayaan laga shiidaa, cunno ahaan ayaan cunnaa, cabitaan ahaanne waan u qasannaa.

Horay waxaan qoraal uga diyaarinay 40 faa'ido caafimaad oo laga helo saliid macsarada, akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5841.0

Qoraalkaan waxaan ku soo koobi doonaa cabitaanka sisinta oo aad loo isticmaalo bisha barakaysan ee Ramadaanka.

Sisinta waxaa laga helaa fitamiino kala duwan, macdanno jirka bini'aadanka uusan ka maarmin sida kaalsiyamta, birta, magniisiyamka iyo zinc-ga.

Caafimaad ahaan waxaa la ogaaday in sisintu ay u roon tahay caafimaadka wadnaha iyadoo hoos u dhigto dufanka kolestaroolka oo halis ku ah xididada wadnaha, waxay kaloo hoos u dhigtaa cadaadiska dhiigga sarreeya.

Macdanta magnesium iyo phytate oo ku buuxda sisinta waxay ka hortag u yihiin cudurka kansarka, sababtoo ah waa sun-saarayaal awood leh.

Sisintu waxay kale oo kobcisaa caafimaadka lafaha maadaama ay ku jiraan macdanta lafuhu aysan ka maarmin sida kaalsiyamta, zinkiga iyo kuwa kale, sidaa darteed waxay cilmibaarayaashu sheegaan in cudurka lafo-beelka aanan lagu arkin dadka joogteeyo cunista sisinta iyo saliideeda, Akhriso xanuunka lafo-beelka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0

Sisintu waxay sare u qaadaa dheef-shiidka, waxay dhaqaajisaa murqaha mindhicirka, waxayna ka hortagtaa calool fadhiga.

Sisintu waa lid-huriye "Inflammatory" awood leh, waxaana loo adeegsadaa ku daaweynta roomaatisamka iyo riixa maadaama ay hoos u dhigaan waxyaabaha keeno xanuunadaas.

Sisinta waxaa ku jira macdan loo yaqaano "Copper" oo caawiya in birtu ay jirka ka faa'idaysato sidaa darteed, waxay ka hortagtaa dhiig-yarida.

Waxaa intaa sii dheer in sisintu ay ilkaha, tinta iyo maqaarka ay u roon tahay sababtuan waa fitamiinanda kala duwan ay xambaarsan tahay.

Marka sisinta oo lagu afuro bisha barakaysan, waxay baaba'isaa oonka, waxay furtaa rabitaanka cuntada, daacoshiir iyo caloo xanuun ma keento, waxaa laga qaadaa firfircooni. sisintu kama mid ahan cabitaannada kiciyo aashitada caloosha oo keeno cudurka gaaska.

Haddii aad heli kartid sisin aad shiidatid, ku dadaal cabitaankeeda iyo isticmaalka saliideeda, caafimaad hor leh ayaad ka dareemi doontaa insha'llah.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid ku soo gudbi qeybta su'aalaha, laakiin haddii aad jeceshahay in aad dhakhtarka toos ula xiriirtid fariin ugu dhaaf boggeena Facebook.

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Xaqiiqda Cabitaanka Vimto Iyo Soomaalida.!!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 49077
Last post May 04, 2017, 03:32:12 PM
by SomaliDoc