Author Topic: SU'AAL: SEMEN ANALYSIS IYO LA TALIN?  (Read 6974 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline drdaysane

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
SU'AAL: SEMEN ANALYSIS IYO LA TALIN?
« on: June 05, 2017, 08:35:28 AM »
Asc Dr waxaan ahay Wiil  dhalinyaro ah oo 23 jir ah mudo afar sano ayaa xaas leeyahay baaritaano aan sameynay aniga iyo xaaskeyguba waxaa iso baxday in cilada ani xageyga ay tahay waxa u tegay Sheybaariiste wuxuuna ii sameyay 2 baaritaan SEMEN ANALYSIS ah.

F.G: 2-da baaritaan waxaa u dhaxeysay 4 bilood.

1. Baaritaanka koowaad iyo daawada:
Standard Test
Volume 2ml
Color: Grayish
pH: 8
Viscosity: No Viscosity
Liquefaction time: 10 minutes
Vitality: 20%
Sperm Count: 10 m.sperm/ml

Morphology: 70%

Motility:
Grade (a): 15%
Grade (b): 10%
Grade (c): 20%
Grade (d): 55%

Leukocytes (WBC): 10-15/HPF
Erythrocytes (RBC): Nil
Testicular (TC): Nill
Crystals: Nill

Treatment-ga koowaad
1. SPECTINOMYCIN 2g Tab (2 xabo)
2. GENURIN SEMPLICES Tab (60 xabo)
3. CIPROFLOXACIN 500g Tab (20 xabo)


2. Baaritaanka labaad iyo daawada:
Standard Test
Volume 2.5 ml
Color: Whitish
pH: 9
Viscosity: No Viscosity
Liquefaction time: 10 minutes
Vitality: 40%
Sperm Count: 10 m.sperm/ml

Morphology: 50%

Motility:
Grade (a): 10%
Grade (b): 10%
Grade (c): 5%
Grade (d): 75%

Leukocytes (WBC): 10-20/HPF
Erythrocytes (RBC): Nil
Testicular (TC): Nill
Crystals: Nill

Treatment-ga Labaad
1. SUSTANON 250g Injection (6)
2. CLOMID 50g tab (60)
3. VITAMIN E 400 Cap (60)
4. PROVIRON 25g Tab (60)
5. MULTI-SANOSTOL Syrup (2 dhalo)

Baaritaanadi aan sameyay wax is bedel ah ma ku arkin

Dr Abdullahi Mahdi maxaa igula talin laheyd in aan sameyo Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: SEMEN ANALYSIS IYO LA TALIN?
« Reply #1 on: January 18, 2018, 08:56:27 PM »
Baaritaanka shahwdaada waxaa ka muuqda 3 cilladood, midda hore waa tirakoobka shahwada oo labada jeerba yar, waxaa lga rabaa ugu yaraan inuu 15 million noqdo.

Cillada labaad waa dhaqdhaqaaqa ama xawaaraha socodka shahwada oo gaaban, markii la isku fiiriyo baaritaanka hore iyo tan labaad, tan 1-aad 55% ayaa wax dhaqaaq ah lahayn, tan labaadne cilladii way ka sii dartay oo waxay gaartay 75%.

Cillada ugu dambeyso oo sababtaan oo idil keentay waa infekshan kaa haysta dhinaca shahwada, inkastoo baaritaanka labaad uu infekshankii soo kordhay, daawooyinkane waxay isugu jiraan kuwa la dagaallamayo infekshanka iyo kuwa caawinayo tirada iyo tayada shahwada.

Ogow haddii aan infekshankaa la cirib tirin, daawooyinka kale wax ma tarayaan, si loo cirib tiro waa in la helo jeermiska dhibka ku hayo nuuciisa iyo daawada wax ka tari karto, sidaa darteed waa in shahwada la beeraa ama la abuuraa "Semen Culuture".

Su'aalaha u baahan in si dhakhso ah looga jawaabo waxaan ku talinaynaa in lagu soo gudbiyo qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline drdaysane

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: SU'AAL: SEMEN ANALYSIS IYO LA TALIN?
« Reply #2 on: January 28, 2018, 08:01:32 AM »
Waa ku mahadsan tahay sida wacan aad Iiga soo  jawaabtay su'asheyda.

Baaritaanadii hore waxa ka so waregatay 2 sano,  baaritaan kale aya sameyay dabayaaqadii sanadii tagtay ee 2017, jawaabtiina waa sida

Hormone Examination
Test name             Test Result         
FSH                           3.74
LH                             11.18

FSH: possible outcome / Normal range
Follicular phase : 3.0 - 12.0 IU/I
midcycle             : 8.0 - 22.0 IU/I
Luteal phase      : 2.0 - 12.0 IU/I
Postmenopausal: 35.0 -151 IU/I
Man FSH             : 1.0 - 14.0 IU/

LH:
Follicular phase : 2.1 - 12.7 mlU/mL
Ovulation phase : 14.0 - 105.0 mlU/mL
Luteal phase       : 1.0 - 12.0 mlU/mL
Postmenopausal : 7.5 - 65.0 mlU/mL
Man LH                 : 1.5 - 9.6 mlU/mL

SEMAN ANALYSIS
Physical          Result                 Normal
Color               pile yellow
Order              Normal
Sample type  Fresh sperm
Viscosity        viscous                viscous
Volume           4.0 ml                  2.0 - 7.0 ML
Turbidity        high turbit             high turbit
Last ejaculation 4 days            2 - 7 days

Chemical                    results            normal     
pH                                8.0                   7.1 - 8.0
Fructose                                             >_ 2.4mg/Ejaculation

Morphology                result      normal
- Progrsive motility    15%        31 - 34%
- Total motility            20 %       38 - 42%
- Immobile                   65%        <_ 30%
- Neck          small non visible  small non visible
- Tail structure    low tail motile     High tail motile
- Head structure     normal             normal
- Normal morphology 3%              3 -4 %
- WBC                          Not appear     not appear
- RBC                           not appear     not appear

Counting Report     Result               Normal
20x10^6                 36x10^6 /ML     > 20x10^6

EXAMINATION: SCROTAL SONOGGRAPHY WITH COLOUR DOPPLER STUDY
-- Both the tests are normal size
-- Head of the epididymis on the other side appear normal
-- The testicle show normal echopattern
-- No evidence of calcification
-- Left small hydrocele
-- Scrotal skin thickening appear normal
-- Colour flow imaging of both the cords was done.

There are right dilated vessels show reflux during valsalva and they approximately measure 2.1 mm

There are left dilated vessels show reflux during valsalva and they approximately measure 2.1 mm

Ka dib wuxu ii diray qaliin Laser ah :-
      Bilateral Varicocelectomy

Qaliinkas ma aanan marin waxaa dhacday in aan cuno  ani iyo xaaskeyguba
-- Iron and Folic Acid Tablets. "Antianaemic" / "Antianaemique"
-- Qur'aan aan isa saaray

Hada Alxamdulillah Uur Shan Bil ah aye leedahay

Jawaabaha dhaqtarka sax ma yihiin mise waa qalad
Maxaa igula talin laheyd?
Daawo aan cidna iso qorin aya iska isticmalay

Mahadsanidiin

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: SEMEN ANALYSIS IYO LA TALIN?
« Reply #3 on: December 16, 2018, 10:17:37 PM »
Allaa mahadsan, baaritaanka dambe isbadal fiican ayaa ka muquda, infekshankii wuu kaa baxa, tirakoobkii awal ahaa 10 million, wuxuu baaritaanka labaad uu noqday 36 million oo ka badan intii laga rabay oo ahayd 20 million, midda kale cilladdii dhaqdhaqaaqa iyo tayada shahwada sidii hore way ka roon tahay. dabcan jawaabteedane waadba heshay oo waad noo sheegtay in uur laguu leeyahay. Awguuriyo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline drdaysane

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: SU'AAL: SEMEN ANALYSIS IYO LA TALIN?
« Reply #4 on: December 17, 2018, 08:05:36 AM »
Baaraka Allah  Dr. Abdullahi Mahdi Sida Wacan Ee Aad Iiga Soo Jawaabtay Su'aalaha Aan Ku Weydiyay.

Waana Ku Mahadsan Tahay Sida Aad Uga Haqabtirto Baahiya Bulshada Su'aalaha Caafimaad .

Guuleyso Alle Idinkii


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyn karaa semen leakage?

Started by AbdikaadirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4053
Last post January 24, 2015, 04:36:43 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma loo isticmaali karaa semen leakage daawadan?

Started by AbdikaadirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 4225
Last post May 05, 2015, 12:49:41 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxey kala yihiin Sperm iyo Semen?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4132
Last post December 30, 2018, 12:13:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal Ku Saabsan SEMEN. Ama Raga Khusaysa.

Started by HamdanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 18706
Last post February 14, 2011, 09:25:38 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Semen Leakage (Shahwo daadashada)?

Started by Hassan BileBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 8740
Last post March 14, 2011, 09:00:06 PM
by SomaliDoc