Author Topic: you know Somalia??  (Read 6854 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline IsseGole

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 86
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • I am going back to somalia, what about you?
    • Somali Medical student's forum
you know Somalia??
« on: February 20, 2007, 11:55:28 PM »
Do you know about Somalia?
it's history, people, origin, economy, military, political issues standing this moment, well: one of the websites that will tell you some thing about this is this site: http://workmall.com/wfb2001/somalia/somalia_history_index.html
it is from the library of the congress which is known to be the largest library in the world.
My intent is the pure desire for knowledge, if you are delighted with information on that site it's my pleasure, if you are not, well, I didn't write that.
any way, so you can help your country you should know every thing about it.
Qofkii raba inuu soomaali ku akhriyo, wuxuu akhrin karaa kitaabkan wayn ee uu qoray Dr. Saadiq enow, ee uu kaga hadlayo taariikhda soomaalida:

GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!  
"Dalkayaga labadii qarni ee u dambeeyay (kii 19-aad iyo kii 20-aad) gumaysatyaasha Yurub iyo Xabashida (Euro-Abassinian Colonialism) ayaa inta qaybiyay misana sii qaybiyay. Qiimo muuqda oo uu dalkayagu lahaa maahayn arinta sababtay in dhulkayaga la boobo. Maxaa yeelay qallafsanaanta ay leedahay noloshayada xoolo-dhaqatada ah maahayn mid dhiirri gelinaysay raggii ina soo weeraray. Raggaasi waxay nolosha u qiimeeyeen si aanu annagu u qiimayn. Waxay horay u degeen dhul hodan ah oo beeraha ku fiican, hawadiisuna ay wanaagsan tahay. Ujeedooyinka laynoo qabsaday waxaa ka faalooday falalkii ay gumaystayaashu mar danbe sameeyeen. Falalkaasi waxay ahaayeen siyaasadihii anaaniga ahaa oo ay xoogaggii gumaystayaashu nagula keceen. Taas oo ay ka dhigteen waddo ay raacaan, iyaga oo aanan u aaba yeelin masaalixda dad-waynaha soomaaliyeed". Qudbad uu allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmaarke ka jeediyay barlamaankii Soomaaliya 1962-kii.

"GOORTII  DHULKAYAGII  LA  QEYBSADAY, waa casharro taxane ah oo inoo tilmaamaya milicsi soo-jireenkeenii hore iyo muuqaallo ku saabsan fiisiko ahaan sidii loo bur-buriyay noloshii dhaqan-dhaqaale iyo cimiladii hiddo-siyaasadeed ay dadkayagu lahaayeen intuusan haleelin hooshkii gumeysiga. Dhacdadaasi, waxay af-gembi ku keentay taxane fil-weyn oo kumanyaal sano la da´ ah. Dabadeed waxay bara-bixisay sii wadiddii noloshii caadiga ahayd ee bulshadii xoolo-dhaqatada ahayd ee Soomaaliyeed.

Waa casharro ina xusuusinayaa sida shisheeyaha danaha ka leh lahaansheheena uusan marna u ilawin una ilaawidoonin tabahoodii isu-kaashiga ahaa lahaanshaha ummadaha ay gumeeyeen, qaybi oo xukun, qarda jeexsiin, dhalan-rog iyo maquunin dhaqan-dhaqaale, hiddo-siyaasadeed, mid aqooneed iyo mid ciidan.

Inkasta oo doolkii ina bara-bixiyay uu weli waddada inoo fadhiyo, inkasta oo il-duuf badan uu ka muuqdo bulshada dhexdeeda, inkasta oo laga sad roonaadey bulsho-weynta Soomaaliyeed, misana dadkayagu weli kama hakan dareenka ah in ay soo ceshadaan  waddada noloshii laga fara-maroorsaday si ay jiritaankooda u ilaashadaan.

Waa casharro inagu dirqinaya miyir-doorasho, masuuliyad iyo ka lib-keen waajibaadka qofeed iyo kan bulshadeed ee ina hor yaal. Waa meel aanu ka heleyno tamar inoo suuro gelisa mindidnimo diidan dhaxal wareejin, midnimo diidan qaybin inaga iyo lahaansheheena, inoo maskax iyo gacan banaysa tiigsasho aaya wacan leh, kana caagan guryo noqosho murug aan ur lahayn, nuxur ahaan sababta aan isugu dayeyno in aan wax ka qorno guud ahaan dhacdooyinkii la soo gudbay, gaar ahaan kuwa dhulkeena iyo dadkeena waa iskudayga dhismaheena iyo dhaqashadeena maanta iyo barashada ma dhaafaanka wanaagsan". Dr.  Cumar Cabdi  Barre
http://www.mudugonline.com/Qoraalo/dhulkayagii.htm halkan ka akhriso taxanaha casharadan!!

Ciise Dheere.


Towards a better healthy Somalia!!
Unless all parts of the society participate equally in the health process, nothing could be expected.


 

Best Histology website (blue histology) Try it -Esp for Students in Somalia-.

Started by Dr.AdnanBoard Basic Medical Science

Replies: 2
Views: 46773
Last post December 21, 2007, 04:19:33 PM
by Dr.Adnan
Medical Group Says Access to Medical Help in Somalia Down Drastically

Started by Terror manBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 35280
Last post January 25, 2010, 07:11:17 PM
by Dudieezper
Right to Health and Public Health Law Assessment in Somalia Consultant

Started by AbdulrazzakBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 27927
Last post June 15, 2013, 11:39:57 PM
by Abdulrazzak
Nutrition Coordinator - Merlin Kenya / Somalia Nutrition Programmes

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 37022
Last post May 25, 2011, 07:45:32 PM
by Admin
Health Manager (Health Management Information System), Nairobi - Somalia

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 2
Views: 338453
Last post November 22, 2015, 05:05:04 AM
by Ashom