Author Topic: Su'aal: Galmada kadib waxaan yeeshaa shiir?  (Read 6741 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Luqmaan cali

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Galmada kadib waxaan yeeshaa shiir?
« on: June 06, 2017, 11:28:56 PM »
Asc wll wan idin salamay dhakhatirta. wll su aashaydu waxay tahay in markaan xaaskayga u galmoodo aan dareemo shiir aad u xun kaasoo xataa anigu aan marmar dareemo shiirkaas waxaad moodaa inuu dhiiga urtiisa  shaboho balse  waxaan kala garan waayay inuu afka ka imanayo iyo inuu sanka ka imanayo waxaan dareemaa markaan fiifsado iyo marka  kaleba sidoo kale markaan galmada sameeyo waxaan yeeshaa bad breath afkana waxaa iga fuula culays iyo qalayl waxaana si is Daba jooga ugu baahdaa cadayga.  caday gaygana waxaaban ka dareemaa markaan Ku cadaydo shahwada urkeeda oo kale arin kaasi wuxuu sababay in xaaskii qolka iiga guurto arinkaana way ii cadaysay inaan leeyahay runtii waxaan dareemayaa inay dadkuna aad ii dhibsadaan habeenkaan galmada sameeyo aroorteeda waxayna isii haysaa urtaasi dhowcisho oo ay igu adkaataa dhexgalka bulshadu.                   Waxaan meesha kamaqnayn in mudo lixsano laga joogo ay igu dhaceen dhagxanta qumanku waxaana yeeshay badbreath aad u xun laakiin markii layga saaray kadib aad ayay u yaraatay waloow aan afqalayl dareemo iyo inaan cadayga u baahdo in ka badan 7 wakhti maalinkii afshiirkuna wali igu sii jiro oo laysheego. Laakiin markaan guursaday ayuu arinkana igu bilaabmay. Waana arin aad ii walaac galiyay lamanahaygana khatar ku ah. Marka waxaan idinka codsanayaa inaad sifiican iigu soo jawaabtaan.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Galmada kadib waxaan yeeshaa shiir?
« Reply #1 on: November 24, 2018, 02:46:21 PM »
Walaal marka hore Alle ha ku caafiyo...

Inuu qofka yeesho shiir ama ur gooni ah markuu galmo sameeyo waa arrin dabiici ah oo ka dhalata dhididka iyo dheecaannada ay qanjirradu soo daayaan laakiin waa wax muddo kooban soconayo, qofkuna ka qabaysan karo, laakiin wax kugu sii raagayo ma ahan, waxa keenana ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5354.0

Midda kale qaabka aad u cabanaysid waxaa ka muuqdo inuu jiro shakki iyo waswaas ku aadan af-urkii hore ee aad horay iskugu ogayd sababtoo ah shahwada afka lagama dareemo shaqane kuma lahan, middeeda kale wax astaamo xanuun kale oo aad sheegtay oo aan ka ahayn isbadalka urka ma jiro taasoo meesha ka bixinayso inay cillad kale jirto sida xanuunada galmada lagu kala qaado oo kale, sidoo kael waxaad tiri: cilladda adiga kaligaa ayay ku haysataa oo xaaskaagu wax dhib ah ma qabto.

Marka waxay u badan tahay in cilald af-urka oo horay u jiray, xoogaane aad ka roonatay inaad dib u dareemaysid markaa galmo samaysid waana wax dhici kara maadaama afkaagu qalalayo, aadne u neefsanayso markaasne adiga iyo xaaskaagaba way dareemi kartaa laakiin maahan wax galmada kaaga imaanayo.

Taladaydu waa inaad dhakthar ENT la xiriirtid si loo fiiriyo in cilladii hore ee dhagaxaanta quumanka inay soo laabatay iyo in kale, faafhaahinta cilladaan ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2601.0

Sidoo kale waxaa jira dad qaba xanuun waswaas ah inuu jirkoodu urayo iyagoo wax cillad ah qabin, horay ayaane xaaladaan uga hadalnay ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6517.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25975
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48070
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29614
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24951
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35486
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc