Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Xanuun daba gibinta (futaada)?
(1/1)
Sahnuunyar:
Asc dhaman dhaqatirta sharafta leh. Waxaan isku arka xanuun futada ah kadib marka aan biyo baxo. Maxaa kena? Sidesa lagu daweyn kara
SomaliDoc:
Waxaan u baahnayn lahayn inaad faahfaahin dheeraad ah naga siisid qaabka xanuunka u dareentid iyo meesha aad ka dareentid, sababtoo ah dhowr cilladood ayay noqon kartaa, tusaale ahaan hadduu jiro xanuunka futo-dillaaca "anal fissure", waad dareemi kartaa xanuun markaad biyo-baxdo kadib maadaama murqaha futada ay giigsamaan, sidaasne uu dillaaca ku daqnan karo.
waxay kaloo noqon kartaa caabuqa qanjirka borostaatada inkastoo xanuunka laga dareemo meesha qooraha iyo futada u dhaxayso oo aan futada meesha saxarada ka soo baxdo aan laga dareemin.
Marka waa muhiim in warbixin intaa dheer lagaa helo si talo habboon laguu siiyo, Allaha ku caafiyo.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version