Author Topic: Su'aal: Candhuufo saa'id ah?  (Read 7554 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Gobdoon

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Candhuufo saa'id ah?
« on: June 12, 2017, 10:46:29 PM »
Ascw ALLAAH ayaa mahad leh idiin suurta geliyay inaad Degelkan bulshada uga faa.iidaysaan, ALLAAH haydinka abaal mariyo miisaanka xasanaadkana haydiin saaro, anagana hanaga dhigo kuwo ka faa,iidaysta.
Su,aashayda oo faah faahsan Dhakhtar. dadku markay sheekaynayaan sida caadiga ah Candhuuf badani kama duul duusho, taa bedelkeeda waxaa jira dadka qaar oo markay hadlayaan candhuuf duul duula oo dadka kale gaaraysa ay afkooda kasoo baxayso. waxaa dhici karta in candhuufta naga dhaaf lagu dhaho amaba lagaa durko amaba lagu dhibsado. arintaas in layska aamusnaado mooyee xal kale ma leedahay? waxa keena se ma lagaranayaa calyadaas duul duulka ah?.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Candhuufo saa'id ah?
« Reply #1 on: March 04, 2018, 08:17:23 PM »
Candhuufta ama calyada oo afka ka buuxsanto markuu qofka hadlayo ma ahan astaan u gaar ah cillad gooni ah, waxaa suuragal ah in qanjirrada calyada soo saara ee afka ku yaalla inay xad dhaaf ah u shaqeynayaan taasoo loo yaqaano "Sialorrhea", waxaa kaloo suuragal ah in cillad ay jirto sida quumanka oo aad u bararan taasoo ka horatagayso in qofka si sahlan candhuufta u liqo, sidoo kale hadduu fitamiin B3 uu qofka ku yar yahay, haddii gaaska nuuca laabjeexa uu jiro iyo hadduu qofka isticmaalo daawooyinka qaar.

Waxaa kaloo muhiim in caafimaadka ilkaha iyo ciridku ay muhiim u yahay oo uusan jirin suus ama ilko-bolol.

Waxaad isticmaashaa dhagayaraha maalintii sadax jeer camal adigoo ruuga 2 ama 3 xabo, taasi waxay yaraysaa calyada iyo candhuufta badan ee kaa soo daadanayso markaad hadlaysid ama markaad jiiftid.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: