Author Topic: Su'aal: Naxdin ayaan dareemaa xiliga galmada?  (Read 7253 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Timocade

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Naxdin ayaan dareemaa xiliga galmada?
« on: June 17, 2017, 08:46:29 PM »
maxaa sababi kara in aan dareemo naxdin iyo wadno kurkur xilliga aan rabo in aan xaaskayga la galmoodo taasoo sababto in uu kacsiga iga tago




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Naxdin ayaan dareemaa xiliga galmada?
« Reply #1 on: March 14, 2018, 07:23:17 PM »
Cillada aad ka sheeganaysid waa mid ku badan ragga qaar, waxaana afka qalaad lagu dhahaa "Performance Anxiety" waa cillad welwel oo qofka la soo darista markuu bilaabi rabo guda galka isu-tagga, inta ka horayso dareenkiisa wuu fiican yahay qofka, kacsina wuu helayaa, laakiin markuu niyeysto inuu howsha bilaabo ayuu dareemayaa naxdin, wadne garaac, welwl iyo dhidid badan, halkaas ayuuna kacsigii ku dhumaa.

Waxay dhakhaatiirtu dhahaan, sababta ugu weyn oo qofka sidaan u noqonayo waa isagoo cabis ka qaba inuu ku fashilmo galmada ama qancin waayo xaaskiisa taasoo ah arrin mar walba ku taagan ama inuu u arko arinta uu guda galayo inuu ku fashilmi doono, sidaas darteed ayaa loogu bixiyay magaca "Performance", taasoo ah "waxqabad" ama "fulin-howl", waxyaabaha kale ee arintaan keena waxaa ka mid ah isha, sixirka iyo jinka taasoo iyadane qaabkaan loo dareemo, marka waxaa haboon inaad quraan isa saartid adigane dikriga badisid haddii ay tahay arintaan wax kugu cusub oo aadan horay u lahaan jirin.

Intaas kadib maadama arintaan ay tahay nuuc ka mid ah cilladaha nafsiga ah ee soo waajaha ragga qaar, waxaa haboon markaad qaadid tillaabada kore ee ah quraan isa-saarka in aad dhakhtar nafsi ah kala tashatid si laguugu caawiyo daawooyinka niyadda jabiya ama welwelka lala dagaallamo.

Waxyaabaha kale ee lagu fahmi karo arintaan inay "Performance" anxiety tahay waxaa ka mid ah in qofka markuu isticmaalo kaniiniga xoojiyo galmada ee "Viagra" uu cabsidaas iyo welwelkaas uusan dareemin, howshiisane uu guto, laakiin ma haboona in aad kaniinigaas mar walba xal ahaan u isticmaashid maadaamo uu leeyahay waxyeellooyin dhowr ah, akhriso qoraal aan hadda ka hor kaga hadlay arintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3443.0

Haddii aad u baahan tahay la talin intaa dheer ama ay jiraan warbixin intaan ka badan, igala soo xiriir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaan bartaa? Halkee ayaan ka bartaa?

Started by SomaliDocBoard I want to Study Medicine

Replies: 1
Views: 313769
Last post June 09, 2018, 12:51:13 AM
by Ahmed_Carab
Su'aal: markii aan cayaaro Kubada dhididka cirbad la igu duraayo ayaan moodaa?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24378
Last post May 23, 2011, 07:44:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ninkega islama noolin labo wadan ayaan kala jogna?

Started by NasiimaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 25906
Last post April 10, 2016, 11:10:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: dhowr sano ayaan isku arka qanjiro iskaa kee bararaya?

Started by Cariif2020Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18128
Last post July 16, 2016, 02:09:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cilada naaso bararka runti dhib weyn ayaan ku qabaa?

Started by Dada AmiinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24205
Last post October 31, 2016, 04:11:20 PM
by SomaliDoc