Author Topic: Aqoon U Yeelo Muruq Boodka Dhabarka  (Read 33137 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Aqoon U Yeelo Muruq Boodka Dhabarka
« on: June 18, 2017, 12:22:13 PM »


Bismillah,

Maanta casharkeenu wuxuu ku saabsan yahay nuuc ka mid ah dhabar xanuunka oo aanan weli horay uga hadlin, loona yaqaano "Muruq-boodka dhabarka" afka qalaadne lagu dhaho "Pulled Back Muscle" ama "Muscle Strain", taasoo ka dhalato cillad gaartay murqaha dhabarka khaasatan seedaha.

Cilladaan waxay timaadaa markii muruqa dhabarka cadaadis la saaro oo xadkiisa la dhaafiyo, taasoo keenayso inuu aad u jiidmo, kadibne dillaaco ama kala furfurto.

Maxaa keeno cilladaan?
Waxay cilladaan badanaa bilaabataa markuu qofka culeys xambaaro khaasatan isagoo fooraarsan, ama si kadis ah isku qalloociyo ama dhulka ku dhaco isagoo ciyaarayo ama markay hooyada foolanayso.

Maxaa lagu gartaa cilladaan?
Dadku way ku kala duwan yihiin xanuunka, waxaa dhici karta inuu qof dareemo xanuun ama danqasho fudud, qaarka kalane xanuun aad u daran, taasina waxay ku xiran tahay dhaawaca gaaray muruqa, astaamaha la dareemane waxaa ka mid ah:
  • Xanuunkaan waxaa laga dareemaa dhabarka qeybtiisa hoose kaliya, umana gudbo lugta taasi wuxuu kaga duwan yahay cilladda suxuunta dhabarka oo aan horay uga hadlay, kana akhrisan kartaan link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7796.0
  • Dhabarka qeybtiisa hoose waxaa laga dareemaa danqasho markii la taabto.
  • Xanuunka mararka qaar si kadis ah ayuu ku bilawdaa, waxaana loo dareemaa in dhabarka uu culeys kaa saaran yahay ama wax kaaga dhegan yihiin.
  • Waxaa mararka qaar la socdo giigsanaan, taasoo loo dareemo burtuq ama kuus oo kale, kaasoo haddii la riixo ama la cadaadiyo xanuun laga dareemo, mararka qaarne markuu muruqa dabco ay qarsoonto. Giigsanaantaa muruqa oo kuus ahaan looga dareemo dhabarka waa waxyaabaha uu dhakhtarka ku caawin kara garashada cilladaan, laakiin nasiib xumo waxaa badanaa lagu qaldaa cillado kale sida: dufan maqaarka iyo muruqa inta u dhaxayso fadhiisato oo loo yaqaano "Lipoma", tan oo wax xanuun ah aan la dareemin, dhabar xanuunkane aanan shaqo ku lahayn, qofka markuu foorarsado ayuu cadaadis dhabarka ka dareemi karaa kaliya laakiin dhib kale ma qabo, markuu kuuska dufankane uu qofka riixane ama cadaadiyo wax xanuun ah lama dareemo. Waxaa kaloo lagu qaldaa qanjir bararan, inkastoo qanjirrada markii la riixo xanuun la dareemo laakiin wuu ka muuqaal duwan yahay, midda kale qanjir hadduu noqdo wuxuu ka tarjumayaa inuu xanuun jirka ku jiro oo qofka astaamo kale ayuu dareemi lahaa. marka waa muhiim in kuusaska laga dareemo dhabarka qeybtiisa hoose in si sax ah loo kala sooco si daawo loo helo.
  • Badanaa qofka wuxuu dareemaa fiicnaan markuu nasto, markuu istaago ama dhaqaaqane xanuunka ayaa ku bilaawdo.

Sidee loo daaweeyaa cilladaan?
Badanaa dhaawacyada murqaha iskood ayay iskaga bogsadaan, laakiin waqti ayay qaataan, markuu xanuunka cusub yahay waxaa qofka lagula taliyaa inuu 2 maalmood uu nasiino sameeyo, xanuun baab'iye (pain killer), barar-dajiye (anti-inflammatory) iyo muruq dabciye (muscle relaxant) uu qaataa si muruqa uu waqti bogsiino u helo. waxaa laga yaabaa in dhakhtarka uu kuu sameeyo duugis murqaha dhabarka si ay u helaan qulqul dhiig oo ku filan, markuu dhaawaca muruqa cusub yahay, waxyaabo qabaw ayaa la saarsaaraa si bararka iyo hurka uga dago, laakiin markuu xanuunka raago waa la qandaciyaa ama la kubbeeyaa, akhriso faa'idooyinka caafimaad ee laga helo Kubbeynta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6948.0

Waa muhiim in aad dhakhtar la kaashataa hadduu xanuunka uu 2 usbuuc dhaafo, si talo dheeraad ah laguu siiyo laakiin ogow hadduu xanuunka uu muruqa kaliya ku eg yahay qalliin laguma sameeyo illaa inay cillad kale la socoto mooyee.

Dhabar xanuunka neerfaha ah:
Waxaa dhici karta in qofka uu qabo cilladaan kore una sii dheer tahay cillad kale oo ka dhalatay in neerfaha dhabarka uu cadaadis ka saaran yahay taasoo ka dhalatay in lafaha ricirrada dhabarka ay kala durkaan, carjawdii u dhaxaysane ay booskeeda ka soo baxdo, waxaa la socon karo xanuun lugta ah, dhabar xanuunkaan waa kan ugu badan ee bulshada soomaalidu la nooshahay waxaana lagu qaldaa dhabar xanuuno kale, inkastoo ay jirto xaalado qalliin u baahda, laakiin dhakhaatiirta qaarkood qalliin ayay kula degdegaan taasoo cillad hor leh keeni karto Fadlan qoraal faahfaahsan oo ku saabsan cilladaan ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7796.0

Dhabar xanuunku waa cabashada ugu badan ee dhakhaatiirta loola tago, laakiin waxaa muhiim ah in qofka waraysi qoto dheer ah lala yeesho, la wiisiteeyo, kadibne baaritaan loo diro iyadoo weliba uu dhakhtarku dooranayo baaritaanaka ku haboon xanuunka qofka hayo, sababtoo ah baaritaannada qaarkood laguma ogaan karo xanuunkaaga.

Haddii aad dhabar xanuun la nooshahay, nuuca uu yahayne aad garan wayday, dhakhaatiir horene aad la kulantay, baaritaannadii horane aad haysatid, nagala soo xiriir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook si talo aan kuugu caawinno: https://facebook.com/HealthySomalia/messages/

Haddii aad qoraalkaan faahfaahin uga baahan tahay su'aalahaaga ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Laba gabdhod oo mataano ah oo dhabarka iskaga dheggan oo ku dhashay Baraawe.

Started by KassimBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 5140
Last post March 06, 2008, 11:20:33 PM
by Admin
Su'aal: waxaa i xanuuna dhabarka iyo halka gumaarka loo yaqaan (bisqanlayda)?

Started by HadhiyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 19751
Last post May 06, 2011, 10:47:34 AM
by Drkheyre
Su'aal: Maxaa keena dhididka badan sida kilkilooyinka iyo dhabarka?

Started by AbdiqadirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7838
Last post November 04, 2015, 10:57:07 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudur ka hayo dhabarka ilaa faryarta lugta?

Started by Ibnu muhammadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6049
Last post September 11, 2015, 12:51:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena xanuunka dhabarka qaybtiisa hoose?

Started by QaalibBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8761
Last post June 23, 2016, 12:33:24 PM
by SomaliDoc