Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Ilmo 2 bil jira, caanahee u fiican?

(1/1)

C/llaahi aadan:
Wll dakaatirada waxaan waydiinayaa ilmo yar oo laba bilood jira caanehee ufiican oo caanaha hooyada loogu dari karaa

SomaliDoc:
Hadduu 2 bilood jiro, waxaa haboon in caanaha hooyada kaliya la siiyo, inkastoo hooyooyinka badanaa ay iska dhaadhacsiiyaan in caanahooda aysan ku filnayn cunugga, haddiina ay hooyada fikraddaa ka dhaadhacdo ama ay isku mashquuliso sidaas ayayba caanaha ku yaraadaan, fadlan akhriso qoraallo aan horay uga hadlay oo ku saabsan arintaan:

Waxyaabaha caanaha yareeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5596.0
Waxyaabaha caanaha lagu kordhiyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5931.0
Faa'idooyinka naas nuujinta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=382.0

Haddii ay hooyadu ku adkaysato inay caano kale ugu darto waxaad siisaa caano lo' oo saafi ah oo la karkariyay haddii aad wadanka ku nooshahay, haddiise aad dibadda ku nooshahay waxaad siisaa caanaha caruurta loogu talagalay ee warshadaysan adigoo da'diisa ku siinaysid. Mahadsanid

Navigation

[0] Message Index

Go to full version