Author Topic: SU'AAL: WAA MAXAY FAA'IDADA MIDHAHA TIINKA [FIGS]?  (Read 16992 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdalle111

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
SU'AAL: WAA MAXAY FAA'IDADA MIDHAHA TIINKA [FIGS]?
« on: June 19, 2017, 06:38:15 PM »
ASC DR waxaaan kaa codsanayaa inaad noo soo gudbiso faaidad midhaha geedka tiinka (figs) ee quraaanka lagu sheegay( ?????? ????????) iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo isticmaalo ..

Mahasanid DR..
RAMADAN MUBARAK..




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: WAA MAXAY FAA'IDADA MIDHAHA TIINKA [FIGS]?
« Reply #1 on: April 01, 2018, 11:24:12 AM »


Bismillah,

Inkastoo mirahaan uusan ku badnayn dalka laakiin waxay dad badan ku qaldaan midhaha geedka tiitiinka qodxaha leh, laakiin kan wuu ka duwan yahay, waxayna culumada isku raaceen inuu yahay midka Alle ku xusay quraanka, wuxuuna leeyahay faa'idooyin kala duwan.

Tiinka isagoo fresh ah iyo isagoo la qallajiyay labaduba waa la isticmaalaa, faa'idane waa laga helaa.

Waxyaabaha ugu caansan ee loo isticmaalo waxaa ka mid ah:
  • Wuxuu ka hortag u yahay calool fadhiga iyo saxaro adeegga.
  • Wuxuu hoos u dhigaa cayilka maadaama lagu dareemo dharag degdeg ah, jirkane uusan ku soo kordhin dufan iyo sokor toona.
  • Tiinka wuxuu yareeyaa maadada kolestaroolka maadaama ay ku jirto maaddo la dhaho "Pectin", taasoo dufanka halista ah jirka ka saarto.
  • Tiinka waxaa kaloo ku jiro maaddo kale oo loo yaqaano "Phenol" oo u fiican caafimaadka wadnaha, wuxuuna yareeyaa halista wadne qabadka.
  • Tiinka waxaa la arkay inuu ka hortag u yahay kansarka ku dhaco malawadka ee aad dunida ugu soo badanayo.
  • Tiinka wuxuu ka mid yahay midhaha ay dhakhaatiirta ku taliyaan in haweenku badsadaan si kansarka naasaha uga hortagaan, wuxuuan taasi kala mid yahay tuffaaxa iyo timirta.
  • Tiinka wuxuu kordhiyaa kacsiga, waxaana lagu cabaa caanaha.
  • Tiinka waxaa ka buuxo maadada lafaha dhisto ee kaalsiyamta, wuxuuna u roon yahay dadka qabo xanuunka lafo-burburka.
  • Diraasad la sameeyay sanadkii 2016 waxaa lagu arkay in tiinka wuu firfircooni geliyo hormoonka insulin-ta ee kontaroolo cudurka macaanka, marka dadka uu macaanka nuuciisa 2-aad ku soo socdo wuu caawin karaa.
  • Tiinka wuxuu kaloo u roon yahay maqaarka iyo timaha waana sababta ay shirkado badan uga sameeyaan shaambooyinka lagu qabaysto.

Iska ilaali isticmaalka Tiinka haddii aad leedahay:
  • Haddii aad qabtid cillad xinjiroobista dhiigga ah, ka fogow adeegsiga tiinka sababtoo ah waxaa ka buuxo fitamiinka "K" oo ka qeyb qaato xinjiroobista dhiigga.
  • Haddii ay calooshaadu jilcan tahay, badsashada tiinka wuxuu keenaa shuban iyo fuuq-bax.
  • Haddii aad kilyo xanuun qabtid ama hadda ka hor lagugu sheegay dhagaxaan kilyaha ama xameetida ku samaysmay iska ilaali isticmaalka tiinka, maadaama ay ku jirto maaddo ka qeyb qaadato samaysanka dhagaxaanta kilyaha ee loo yaqaano "Oxalate".
  • Haddii aad isticmaashid cirbadda insulin-ta ee sokorta lagu kontaroolo, iska ilaali inaad la qaadatid Tiinka maadaama uu keeni karo in sokorta ay dhacdo, sidaas darteed maalamaha aad qaadanaysid miraha tiinka, iska cabbir sokorta inta aadan is durin.
  • Haddii aad tahay dadka allarjiga qabo, la soco in miraha tiinka uu dadka qaar uu ku keeno furuuruc xasaasiyad ka dhasho.

Sidee loo isticmaalaa miraha Tiinka?
  • Isagoo fresh ah ama qallalan ayaa subaxii lagu darsadaa quraacda.
  • Waa la cuni karaa inta cunnada u dhaxayso iyadoo aan waxba lala qaadan.
  • Tiinka waxaa kaloo lagu darsan karaa ansalaatada
  • Sidoo kale cabitaan ahaan ayaa loo cabi karaa ama cabitaannada ayaa lagu darsan karaa iyo caanaha.

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah ama su'aalo kalaba aad qabtid, dhakhtarka kala xiriir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66572
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69584
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62513
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46767
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45011
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc