Author Topic: Su'aal: Waxan soomaalida ay u taqaan muruqa?  (Read 3767 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Mmfiqi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxan soomaalida ay u taqaan muruqa?
« on: June 20, 2017, 04:51:29 AM »
asc wr wb. waad mahadsantihiin dhamaantiin.
1. waxaan rabay inaan wax ka ogaado waxan soomaalida ay u taqaan muruqa ee meela badan oo jirka ka mid ah asiibo soomaalidu ay riixdo oo tuujiso oo la daliigo (hada garab hoostiisa ayuu iga hayaa halka ku aadan oo feeraha ahna xanuun ayaan ka dareemayaa)
2. waa maxay CAANO kaxato fiix yar yar oo dadka ka soo daato. mararka qaarna jirka qolof iyo cun cun badan ku sameeyo.
3. candhuuf iyo calyo badan mararka qaarna abur cad oo dhanaan noqoto.
mahadsanidiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxan soomaalida ay u taqaan muruqa?
« Reply #1 on: March 25, 2018, 06:26:21 PM »
1- Muruqa waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Muscle spasm" oo ah in muruqa uu kogo ama dabasanaan waayo, waxaana badanaa lagu arkaa dhabarka iyo garbaha, dhakhaatiirtu waxay qofka u diraan jimicsi ama daliigis iyadoo wax kulul ama koronto la adeegsanayo waxaana latacaalkaan loo yaqaanaa "Physiotherapy".

2- Inkastoo caano-gocatada dad badan ugu yeeran nabro badan oo jirka ka soo baxo, laakiin midka loogu badan tahay waa xanuunka la dhaho "Shingles" ee ka akhriso faahfaahintiisa qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3277.0

3- Candhuufta ama calyada badan waxay tilmaan u noqon kartaa dhowr xaaladood ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3111.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxan muddo dareemayeey feeraha dushooda xanto xanto yar?

Started by QawdhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7651
Last post May 15, 2013, 10:27:18 AM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?

Started by FaraxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21100
Last post May 11, 2011, 04:28:24 PM
by Shenamic
Su'aal: Waxan cuncun ka dareema cagaha markan inbadan taagnaado sida (tukashada)

Started by Wahiib143Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7843
Last post November 10, 2012, 01:13:42 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Walal waxan isku arkey kababiyow maxa keni karo?

Started by Samir YareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6162
Last post April 10, 2016, 11:08:41 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxan isku arkay xishood aanan weji siin karin?

Started by Kaafi.ABoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 10201
Last post January 15, 2017, 02:09:59 AM
by Kaafi.A