Author Topic: Kacsanaanta Waallida Ah (Mania & Hypomania)  (Read 45333 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Kacsanaanta Waallida Ah (Mania & Hypomania)
« on: June 22, 2017, 03:55:17 PM »


"Waa qof aad u war badan, warkane si boobsiis ah ku soo saaro, waxaa mar walba ka muuqato tamar iyo firfircooni siyaado ah iyadoo weliba hurdadiisu ay aad u yar tahay, waxaa laga dareemaa faraxsanaan aan la fasiri karin, mararka qaarne si kadis ah ayuu u xanaaqaa ama wax u dhibsadaa, wuxuu mararka qaar la yimaadaa waxyaabo bulshadu la yaabto sida rabitaanka xad-dhaafka ah iyo ka hadalka mawaadiicda la xiriiro jinsiga iyo wixii la halmaala, waxaa kaloo qofkaan lagu yaqaanaa islawayni isaga ka dhaadhacsan, isagoo la baxa naaneesyo bulshadu la yaabto."

Bismillah,

Casharkeenu maanta waxaan ku falaanqayn doonnaa xanuunka astaamihiisu kor ka muuqdaan, inkastoo dad badan ay is oran karaan, waad qabtaan xanuunkaan laakiin hoos baan ku faahfaahin doonnaa sababta.

Waa Maxay Xanuunkaan?
Cilladaan waxaa loo yaqaanaa "Mania", waa cillad dhimir oo aad ugu badan dunida, waxay lid ku tahay xanuunka niyad-jabka "depresion" oo isagane xanuun dhimir ah, rag iyo dumarba way ku dhacdaa, laakiin caruurta wixii ka yar 15 sano badanaa laguma arko.

Qofka qaba xanuunka "MANIA", waxaa lagu gartaa kacsanaan maskaxda taasoo laga dareemi karo hadalka iyo dhaqanka qofka.

Qofka wuxuu sidaan noqon karaa waqtiyo gooni ah, waxaana xaaladaas loo yaqaanaa "Manic Episode", dadka qaar xaalad caadi ah ayay ku soo laabtaan muddo ka dib, qaarka kalane waxay isku rogaan xaalad niyadjab iyo diiqo, dadka sidaa noqdo waxaa la yiraahdaa in labada xanuunba ay qabaan, taasoo lagu magacaabo "Bipolar mood disorder", qofka marne wuu kacsan yahay, marne wuu dansan yahay, akhriso qoraal ku saabsan niyadjabka (Depression): http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=872.0

Mararka qaar waxaa dhacdo in qofka "MANIA" qabo inay u wehliyaan waswaas iyo shakki, taasoo astaan u ah xanuun kale oo dhimirka ah oo loo yaqaano "Schizophrenia", kaasoo aan horay u faahfaahinay ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=930.0
Markay astaamaha labadaas xanuun qofka lagu arko waxaa xanuunka loo yaqaanaa "Schizomania" ama "Shizoaffective disorder".

Casharkeenu maanta waxaan kaga hadlaynaa "MANIA" kaligeed oo aan la socon cillad kale. qofka kacsanaantiisu markay dhexdhexaad tahay, laakiin aysan gaarsiisnayn "MANIA" waxaa loo yaqaanaa "HYPOMANIA" oo iyadane weli cillad dhimir ah.

Waxaa jirta in dadka qaarkood Alle ku abuuray firfircooni siyaado ah iyo niyad kacsanaan la socoto faraxsanaan joogto ah, taasi waxaa loo yaqaanaa "Manic Personality", waxaana laga wadaa in qofkaan uu leeyahay dabci sida Mania-da oo kale ah, laakiin cudur maahan, tan ayaa keeni karto in dad badan iskaga shakkiyaan xanuunka "MANIA" markii astaamaihiisa laga sheekeeyo.

Goorma ayaa la dhihi karaa xanuun dhimir:
Hadduu qofka uu galo xaalad kacsanaan oo aan lagu aqoon jirin, xadkane ka baxsan gaartayne heer ay cunnadiisa iyo hurdadiisa saamaysay, joogtane noqotay maalin walba muddo usbuuc ah ugu yaraan, markaas ayaa la dhihi karaa qofkaan wuxuu galay xaalad Mania, waana in markaa talo dhakhtar la raadiyaa, maadaama qofka uusan dareensanayn inuu xanuun jiro. Tusaale: "Haliimo waa gabadh ehelkeeda la nool, iskuulna aadda, cideeduna aysan wax cillad ah ku ogeen, maalin bay iskuulka ka timid, ka dib gurigii bay dhaqitaan iyo nadiifin ku bilawday, alaabtii iyo dharkii ayay wada mayrtay, kadib intaa kuma ekaysanee gaari bay raacday oo cid ay qaraabo ahaayeen bay intaa oo kale u soo samaysay, inta gaariga ay sii saarnayd qof walboo gaariga saarnaa way la sheekeysatay, markay soo laabatayne qof daalan lama moodo oo weli sheeko iyo qosol bay wadaa, weliba gabadh xishood badan bay ahayd, laakiin waxay ka sheekeysay waxyaabo laga xishoodo" qofkaan oo kale ehelku way dareemayaan inay wax ka qaldan yihiin, laakiin bulshada kale hadalka qofkaan waxay u arkaan sheeko iyo madadaalo, laakiin waa in qofkaan dhakhtar lala gaaraa inta xaaladu aysan ka sii darin", taasi waa hal tusaale laakiin macnaheedu maahan in qof walba sidaa samaynayo, siyaabo kale ayay ku imaan kartaa waxaa kaloo ka mid ah qof 24 saac internetka ka sheekeynayo, oo aan daalayn oo hurdo iyo hoyaad ka tagay, cunno iyo nasiino aysan ka maqnayn, salaad sidoo kale, maaalinba meel taagan, ciddiisu aysan ka war hayn oo safarro aanan laga war qabin u baxa sabab la'aan" tanne waa tusaale kale, ehelku way fahmi karaan in xaaladda qofkaan in aysan dabiici ahayn.

Astaamaha lagu garto Kacsanaanta waallida ah (MANIA):
  • Isla-wayni iyo isbuufin xad dhaaf ah, qofka oo aaminsan inuu dadka kale wax dheer yahay, laga yaabo inuu la baxo magacyo dadku la yaabaan sida boqor, wasiir, ugaas IWM.
  • Qofka oo aan u baahan hurdo, Sadax saac kaliya hadudu jiifto wuxuu dareemayaa inay ku filan tahay, isagoo firfircoon ayuuna soo toosaa, 24 saac oo xiriir ah inuusan jiifan ayaa laga yaabaa.
  • Hadal iyo sheeko xad dhaaf ah oo weliba cadaadis iyo xawaare aan ku socdo, tanoo loo yaqaano "pressured speech".
  • Hadalka oo aan mawduuc lahayn, fikraddii ku soo dhacdaba u wareego isagoo sheekadii hore aan dhameestirin, waxaa arintaan loo yaqaanaa "Flight of ideas"
  • In qofka la maaweelin karo, lagana weecin karo hadafka hadalkiisa iyo meesha uu hadalka ula jeedo "distractibility"
  • Dhaqdhaqaa xad dhaaf ah iyo wareegis xaafadda ah ama safar u bixis lama filaan ah "Hyperactivity".
  • Isxakamayn la'aan iyo Xishood yari, qofka wuxuu si yaxyax la'aan ah uga hadlaa galmada iyo wixii la xiriiro, dareenkiisa dhinacaas ku saabsanne ma xakamayn karo tanoo keeni karta inuu khaladaad ku dhaco, dambine lagu oogo, haddii ay haween tahayne qofka xanuunsan kuma sii jirto, maxaayeelay ciddeedu waxay ka war heli karaan iyadoo uur leh, arintaan waxaa loo yaqaanaa "Disinhibition".
  • Faraxsanaan dhalanteed ah, waa qofka oo ka muuqato farxad aan fasiraad lahayn ama aysan u qalmin xaalada uu ku sugan yahay, waxaana loo yaqaanaa "Euphoria"

Astaamahaas waa laga wada siman yahay, laakiin sida aan kor ku soo xusay, dad bay si aayar ah uga muuqataa, waxaana qofkaa la dhahaa "Hypomania", welina waa cillad xanuun, laakiin qeyb ka mid ah haddii aad leedahay, ayna tahay wax weligaa dabci kuu ahaa, isna xakamayn kartid, taasi cudur maahan waa dabeecad Alle kugu abuuray waxaana loo yaqaanaa "Manic Personality" dabeecadaan mar kale ayaan ka hadli doonnaa oo waxyaabo badan oo ay dadkaan ku fiican yihiin ayaa jira, shaqooyinka qaarkoodne waa la raadiyaa dadka dabcigaan leh. laakiin qofka xanuunsan xaaladaan dabci uma ahan oo mararka qaar ayuu galaa, wuuna ku talax tagaa, ismana xakamayn karo, muddo markuu sidaa ahaadane, niyadjab iyo diiqo ayaa ku dhaca, waana la waayaa warkiisa mararka qaarne wuu soo dagaa oo caadi buu ku laabtaa.

Maxaa Keeno Kacsanaanta Waallida Ah, Sideese loo daaweeyaa?
Sababta rasmiga ah ee kacsanaantaan xad ka baxa ah keento lama yaqaano laakiin waxaa la ogyahay in maskaxdu ay soo daynayso dheecaano sidii lagu yaqaanay ka badan, daawada xanuunkaan loo qaatane dheecaannadaas iyo dhambaalladaas maskaxdu dirayso ayay xakameeyaan.
daaweyntuna waxay ku xiran tahay xanuunka qaabka uu ku yimid, in cillad dhimir kale la socoto iyo heerka uu gaarsiisan yahay, daawooyin loogu tala galay oo loo qaato ayaa jira, laakiin waa qasab in qofku uu la kulmo dhakhtar dhimirka ku takhassusay si qofka loo qiimeeyo, ehelkane loo waraysto.

Wixii la talin iyo su'aalo toos ah waxaad dhakhtarka kala xiriir kartaa qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Dabciga Kacsanaanta Iyo Ku Qancidda Qadarta Alle.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 38750
Last post April 13, 2017, 08:13:30 AM
by Najma Saalax
Bararka / Kacsanaanta Xididada Dhafoorka

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 32819
Last post March 06, 2019, 09:03:12 PM
by SomaliDoc