Author Topic: Su'aal: Suuxid ama Coma?  (Read 3226 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Shosmanka

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Suuxid ama Coma?
« on: June 24, 2017, 04:36:52 AM »
Walaal aadbaan idiin salamayaa dhaqaatiirta sharafta leh. Walaal waxaan idin suaalayaa xaaskayga ayaa muddo 15 sano oo aan isqabnay waxay leedahay xanuun suuxdin oo kale ah markay aad u cadhooto ama naxdo sida geeri loo sheego oo kale.  Way jiifsanaysaa ka bacdina indhaha ayuunbay kala haynaysaa. Dhaqdhaqaq kale malaha. Muddo ka dib ayey taah samaynaysaa oo si diciif ah hadalka usoo bilaabaysaa iyadoo daal badan ka muuqdo oo wadnaha ka sheeganaysa. Fadlan iga caawiya xanuunkaas. Mahadsanidin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Suuxid ama Coma?
« Reply #1 on: April 13, 2018, 08:37:09 PM »
Qaabka aad u sharaxday suuxdinta iyo xilliga ay qabanayso xaaskaaga waxay u egtahay cillada Hysteria, faahfaahinta ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6005.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: