Author Topic: Su,aal: habeenkii diiqad ayan dareema  (Read 4181 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Zakariye_2000

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su,aal: habeenkii diiqad ayan dareema
« on: July 05, 2017, 10:58:05 PM »
Asc. Marka hore waad mahadsantey dr sidad noogu faaideyso su,ashan wato ayaa waxey tahey habeenkii hadii la gaadhaba diiqad ayan dareemay iyo daganansho la,an maalintii oo dhan caadiban ahey lakin habenki hadan meel u baxo weeye hadan guriga jogo  waa caadi ta kale hadey hurdadaydu 8 saac ka yaraato diiqad iyo daganansho la,anban dareema maalintaso dhan marka digtoor wax tala isii waxan yelo garan mayo thanks




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su,aal: habeenkii diiqad ayan dareema
« Reply #1 on: May 06, 2018, 01:05:37 PM »
Waxaa fiicnaan lahayd inaad da'daada na la wadaagtid, haddii ay jiraan xanuuno kale oo aad qabtid ama balwad leedahay, sababtoo ah daalka iyo diiqada aad dareemaysid waxyaabo badan ayaa ka qeyb qaato, tusaale ahaan haddii aad qabtid xanuunka howlgabka qanjirka thyroid-ka ama xanuu na la mid ah oo keena caajis iyo daal badan, habeenkii ma jeclid inaad meel aadid ama howl qabatid maadaama maalintii aad maqnayd, sidoo kale haddii ay jirto cillad oksajiinta kugu yaraynaysa ama balwadda sigaarka aad leedahay waa laga yaabaa in habeenkii cabbur dareentid oo adoo daalan soo toostid, waxaa kaloo suuragal ah in aadan wax dhib ah qabin oo aad leedahay shakhsiyadda aamusan oo dhibka neceb, dadkaasi bixitaanka ma jeclo oo qorsho aysan ku talagalin haddii loo wado ama u baxaan way diiqoodaan, marka waxyaabo badan ayaa dhici kara ee haddii aad u baahan tahay waraysi iyo warbixin dheeraad ah na gala soo xiriir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Habeenkii oo qeybna la hurdo qeybna?

Started by DalmarowBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6283
Last post February 08, 2019, 09:19:52 PM
by SomaliDoc
Suáal: Maxaa keena qarqaryo saaid ah dididka habeenkii?

Started by Saiid6666Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15301
Last post September 07, 2009, 10:37:35 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Habeenkii afka ayaan ka neefsadaa sanka wuu ii cabburmayaa?

Started by Axmed143Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5963
Last post January 09, 2016, 04:57:28 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Riin habeenkii markaan uurka lix bilood dhaafo?

Started by Dahabo67Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2696
Last post July 24, 2017, 04:05:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Weligey habeenkii riyo darteed iskuma qoynin?

Started by AnwarkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4841
Last post August 02, 2018, 06:55:02 PM
by SomaliDoc