Author Topic: Su'aal: Waxaan qabaa caabuqa prostate-ka?  (Read 3436 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mr.cabdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan qabaa caabuqa prostate-ka?
« on: March 31, 2017, 03:16:33 PM »
Asc dr.
Waxaan ahay dhalinyaro oo jira 25 jir ah waxaad qabtaa caabuqa prostateka.
Waxaan isku arkay calamadood  ioo ad timamtay markii laga reebo inaa habenkii kadi u sokaco iyo in ey shah wada i gubto inta kan soo hartay waan leyahay . Waxaan la iga qaday kaadi dr.wuxuu dhahay ekfishin malahan dhiig ayaan ka qadaa. 
Waxaan ka walal walsanahay hadii kadida laga wayay Ekfishinka  dhiiga ma laga helee dhiiga kansarka bis mu shagaa mase jirashada qaabuqa Waa shegaa
Jawaab dag dag ah. Mahadsanid 


1- Kaadida oo ku gubta markaa kaadinayso
2- Kaadida oo kugu hakato ama dhibic dhibic u timaado
4- In kaadi si dagdag ah kuu qabato laakiin aanan kaa imaanayn markaa suuliga fadhiisato
5- Qaska ama dhabarka qeybta hoose oo ku sinta  xanuunto
6- Meesha u dhaxayso qooraha iyo futada oo ku xanuunto
7- Raaxo darri aad ka dareentid guska ama xaniinyaha.
8- saxarada oo shahwo la socono

Haddii calaamadaahaan aad leedahay waa in aad qaadataa daawo antibiotic ah muddo 4 isbuuc ah maxaayeelay caabuqa prostateka daawada waqtig gaaban wax ugama tarto.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan qabaa caabuqa prostate-ka?
« Reply #1 on: July 12, 2017, 07:38:40 PM »
Inta aad sheegtay oo idil waxay astaan u tahay cillad qanjirka borostaatada ah khaasata nuuca caabuqa ah oo loo yaqaano "Prostatitis", badanaa kaadida lagama dareemo calaamado caabuq, in qanjirka bararan yahay iyo inuusan bararnayn labaduba waa suuragal, dhiigga waxaa lagu arki karaa uun astaamo caabuq laakiin maahan mid qanjirka u gooni ah, sida kaliya ee lagu hubin karo waa in la duugo qanjirka borostaatada kadibne shahwada imaanayso baaritaan lagu sameeyo sidaa waa lagu xaqiijin karaa, midda kale daawadane waa sida uu dhakhtarka kuu sheegay 28 illaa 30 maalmood ugu yaraan waa in antibiotic la qaato sababtoo ah daawooyinka badankood qanjirka uma gudbaan, fadlan wixii faahfaahin dheeraad ah ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26306
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48428
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 30011
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25252
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35791
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc