Author Topic: Cudurrada Lagu Daaweeyo Guurka..!  (Read 47732 times)

0 Members and 5 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cudurrada Lagu Daaweeyo Guurka..!
« on: July 13, 2017, 03:19:38 PM »


    Bismillah

    Casharkeenu maanta wuxuu ku saabsan yahay guurka iyo xanuuno la xaqiijiyay inuu daawo u yahay, waxaa jira dhalinyaro badan oo dhakhaatiirta u raadsada daawo iyagoo ka cabanayo arrimo lagu xallin karo guurka, sidaa darteedne ay dhakhaatiirta qaar kula taliyaan in qofka guursado taasoo keeni karta in dhakhtarka qalad loo fahmo mararka qaar.

    Guurka oo soo daaho ama qofka u suuroobi waayo waxaa laga dhaxlaa cillado badan oo rag iyo dumarba ku dhaca haba u sii badnaandaan dumarkee.

    Siduu Alle SWT ku sheegay quraankiisa, rasuulkane noo cadeeyay Guurku waa shay muhiim u ah nolosha bini'aadanka, wuxuuna isbadal jir iyo nafsi ahaanba ku sameeyaa qofka, waxaana laga helaa daganaansho, kalgacal iyo naxariis qofka ku abuuranto, wuxuu kaga badbaadaa fakarka, kalinnimada iyo kacsanaanta niyadda.

    Sidaa darteed rasuulkeena suuban wuxuu dhalinyarada kula taliyay inay guursadaan haddiiba ay awoodaan, taasi waxay tilmaan u tahay in qofka bini'aadanka uusan guur ka maarmi karin, faa'idooyin badane laga dhaxlo, xanuuno badanne looga hortago kuwaasoo mar dhaw caalamku u ogaaday waxaana ka mid ah:

    • Isku-buuqa: Markuu qofka bini'aadanka diyaar u noqdo guur, waxaa isbadal ku dhaca qanjirro badan oo jirka ku yaalla kuwaasoo soo daayo dheecaanno iyo hormoono howshoodu qaabilsan tahay taranka, hormoonadaas waxay saameen ku leeyihiin qeybo badan oo jirka ka mid ah sida maskaxda oo kale, taasi waxay isbadal ku samaysaa dabciga qofka, wuxuuna la soo bixi karaa astaamo aanan horay loogu aqoon jirin sida kacsanaanta niyadda, isku-buuqa, xanaaq badan, qofka oo hadalka iyo sheekada dhibsada oo qoyska ka dhex baxo, dagaal iyo amar diido aanan horay loogu aqoon iyo cabasho joogto ah oo aan xal loo hayn, cabashooyinkaas badanaa waxaa lagu qaldaa xanuunada Allarjiga sida sanboorka, cuna xanuunka. waxaa kaloo lagu qaldaa xanuunada lafaha ku dhaca. Qofka hadduusan fursad u helin guur, wuxuu la imaan karaa waxyaabo badan oo islahadal ama isku-dhex yaac ah taasoo qofka lagu arki karo astaamo tilmaan u ah cadaadiska maskaxda saaran sida isa-suuxin iyo dhicitaan oo ehelka iyo qaraabadu u saariyaan cillado kale, laakiin dhakhaatiirtu u yaqaanaan "Hysteria", waxaa jira qoraal aan uga hadalnay cilladaan "Hysteria" ee ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6005.0. Wiilashu badankood way sheegtaan dareenkooda, wayna codsadaan inay guur u baahan yihiin, laakiin bulshadeenu dhaqan uma lahan in gabadhu ay ka sheekeyso dareenkeeda ama ay waalidkeeda xitaa kala hadasho, taas ayaa keenayso in gabdhuhu u bataan dadka arintaan aad u saameyso.
    • Caabuqa qanjirka ragga ee Prostate-ka: waa cillad kale oo xalkeedu yahay guurka, waxaana lagu arkaa ragga kaliya, waxaa astaamaheeda ka mid ah dhabar xanuun, xiniinyo xanun, shahwo timaado markuu qofka saxaroonayo, kaadida oo dhib noqoto ama xanuun wadato, markii baaritaan lagu sameeyane wax cillad ah laga waayo, badanaa waxaa arintaan lagu arkaa dhalinyarada badanaa aan aqoon waxa loo yaqaano siigeysiga, waxayna ka timaadaa qanjirka ragga oo cabburmo, wuxuu kaloo guurka yareeyaa jaaniska kansarka ku dhaca qanjirka borostaatada. Akhriso qoraal ku saabsan cilladaha ku dhaca qanjirka ragga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html
    • Ugxan sidaha fiixda leh: waa cillad ku dhacdo haweenka oo ah in ugxan sidaha ay ka soo baxaan fiixyo badan, dadka lagu arko calaamadahaan waxaa badanaa lagula tacaalaa daawooyin laakiin waxaa la arkay in guurka oo la dadajiyo ay xal u tahay, weliba in haweentu ay uur qaaddo way ku baaba'aan badanaa fiixyadaas, marka ka hortag iyo daawo labaduba wuu u yahay, waana cillad ay haween badan ku wareersan yihiin, akhriso qoraal ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3126.0
    • Kansarka dhaxalka ah: Waxay cilmibaarayaashu sheegeen in haweenta oo dhakhso guursato, horayne uur ka qaado, caruurtane nuujiso waqti fiican ay ka badbaado kansarka naasaha ku dhaco ee dhaxal ahaanta qoyskoodu u leeyihiin, baynamaa isla gabadhaasi hadday guurka ka daahdo ama isticmaasho daawooyinka uurka looga hortago in xanuunka uu ku soo dagdagi karo, waana arrin hadda lagula taliyo qoysaska reer galbeedka ee cilladahaasi dhaxalka u leh.
    • Difaaca jirka: Guurka wuxuu isbadal ku sameeyaa nafsiyaatka lamaanaha, wuxuune sare u qaadaa difaaca jirka, sidaa darteed waxaa la arkay inay badanaa dadka isqaba aysan ku badnayn xanuunada ka dhasho difaac yarida sida hargabka iyo ifilada.
    • Ka hortagga balwadda: Waqti hore oo la guursado wuxuu ka hortag u yahay caadooyin xun oo ay dhalinyaradu bartaan iyagoo ka raadinayo nafis iyo madadaallo sida siigada, sigaar cabista, qayilaadda IWM, sababtoo ah guurka wuxuu wataa mas'uuliyad ku kallifaysa lamaanaha cusub inay nolol iyo mustaqbalkooda ka fakaraan inta ay u jeesan lahaayeen waxyaabo aan faa'ido dhinac caafimaad iyo dhaqaalo aan ugu jirin.

    Waxyaabo badan oo isu-tagga lamaanaha is qaba ay faa'idooyin caafimaad ka heli karaan oo halkaan lagu soo koobi karin ayaa jira, sida ka hortagga cudurrada wadnaha ku dhaca, ka hortagga xanuunka caadada, xoojinta murqaha kaadi heysta iyo helidda hurdo wanaagsan.

    Dhalinyaro badan ayaa guurka ka aaminsan fikraod qaldan, kuwaasoo badankood lagu abuuray waxaana ka mid ah in guurka uu wato stress iyo fakar badan, qofka oo ciriiri galayo ama waqti u helayn baashaal iyo raaxaysi. Waxaas oo idil waa qlad, waana wixii Alle ugu talagalay in guurka laga helo, laakiin way jiri karaan dad dhif ah in guurka uu ka hallaabo oo labadii lamaane is calfan waayeen oo isfahan darri meesha ka dhacdo, laakiin maahan in dhacdooyinkaas kooban laga dhigto cudur daar oo dad badan oo xalkoodu guur yahay lagu abuuro cabsi iyo buufis. Caafimaad baan idiin rajaynayaa insha'llah.

    Waa qoraal kooban, wixii faahfaahin aad u baahan tahay ku soo gdubi qeybta su'aalaha ama toos ugala xiriir dhakhtarka boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/

    http://somalidoc.com


    Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

    Igala Soco:
       


     

    Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

    Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 3
    Views: 107003
    Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
    by SomaliDoc
    Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

    Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 1
    Views: 64486
    Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
    by SomaliDoc
    "Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

    Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

    Replies: 0
    Views: 29302
    Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
    by SomaliDoc
    Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

    Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 5
    Views: 53663
    Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
    by SomaliDoc
    Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

    Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 4
    Views: 34567
    Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
    by CilmiSabca