Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waxaan isku arkay kaadi xanuun?

(1/1)

Madruud:
asc doc.
marke hore aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa dhammaan docs.
doctor ilaa bil waxaan isku arkay cilad dhanka kaadida ah, oo markii aan kaadida bilaabo wax xanuun ah ma dareemo lkn markii ey dhamaato oo aan iska nadiifiyo oo aan  musqusha kasoo bixi rabo ayaan kaadi kale iney iheyso dareemaa, markaas labaad waxaa iga yimaada wax midab sida burka oo kale ah oo aan fara badneen aad ayeyna ii xanuujiyaan inta ey socdaan ilaa dhowr daqiiqo oo ka dambeysa. haddii aan isku celiyo gubasho yar ayaan dareemaa.
doctor maxaad igula talin laheyd?
haddiise aan isku celiyo dhib miyey ii keyneysaa?
waad mahadsantihiin dhamaan ILLAH kheyr ha idin kasiiyo

SomaliDoc:
Taasi waxay tilmaan u noqon kartaa caabuqa kaadiheysta ama qanjirka borostaatada, waxaad u baahan tahay inaad dhakhtar la xiriirtid si kaadida lagaaga baaro, qalabne lagaaga saaro kaadi mareenka iyo qanjirka.

Halkaan ka akhriso astaamaha kale ee lagu garto caabuqa kaadi mareenka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version