Author Topic: Su'aal: Xaaskayga 5 sano ayaan is qabnaa?  (Read 4251 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Eng.myare

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xaaskayga 5 sano ayaan is qabnaa?
« on: July 20, 2017, 01:32:52 AM »
Dr. Aad ayaad u mahafdantahay jawaab celintiina cilmiyeysan.
Balse waxaan ku weydiinayaa xaaskeyga 5sano ayaan isqabnaa 2goor ilmihi oo marna bilo dhameystey marna 4bilood ah ayaa kasoo dilmey oo laga sooxaaqey kadibna uurdhan ma qaadin illaa 2sano hadeer sidaas awgeed xaaqiddaas cilad ma keeni kartaa?
Baaritaano lagu sameeyay waxay dhaqaatiirtu sheegen inuu nabar ku yaallo minka gudahiisa weyna soo jareen kadibna gubeen daawo fara badan kadib ekfishan joogto usoo noqnoqda ayaa jira oo hadii qalajiyo ay cunto laga dawoobo markey dhameysana meeshiisa kasoo noqda uur la aanta nabarkaas minka ku yiilay sabab ma u yahay?muxaase goobtaas nabar weyn ku dhaliyey?ekfishankan joogtada ah mala dhihi karaa nabarkii ayaan bogsoon?maxaase talo nagu siineysaa?
Intaasba jawaab ayaan kaaga sugeynaa maadaama ay kurbo arintani nagu heyso insha alah.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xaaskayga 5 sano ayaan is qabnaa?
« Reply #1 on: May 20, 2018, 01:17:40 PM »
In haweentu uur yeelan wayso markay dilanto ka dib waa cillad badanaa la arko, waxyaabo badan ayaana keeni kara, horay ayaan qoraal ugu faahfaahinnay ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8600.0

Midda ku saabsan infekshan soo noqnoqdo, waa suuragal in nabarkii la gubay uu yahay ama cillad kale oo jeermiska keenayo aan weli daawo loo helin  taasna waxaa lagu ogaan karaa in dheecaanka ama kaadida la beero "culture and sensitivity", akhriso qoraal aan horay uga hadalnay infekshanka haweenka ku dhaco iyo sababaha uu u badan yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0

Waxaad kaloo qoraalkaan ka akhrisataa sababaha keeno in infekshan la daaweeyay uu u soo laabto mar kale: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5588.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaan bartaa? Halkee ayaan ka bartaa?

Started by SomaliDocBoard I want to Study Medicine

Replies: 1
Views: 320255
Last post June 09, 2018, 12:51:13 AM
by Ahmed_Carab
Su'aal: markii aan cayaaro Kubada dhididka cirbad la igu duraayo ayaan moodaa?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24535
Last post May 23, 2011, 07:44:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ninkega islama noolin labo wadan ayaan kala jogna?

Started by NasiimaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 26120
Last post April 10, 2016, 11:10:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cilada naaso bararka runti dhib weyn ayaan ku qabaa?

Started by Dada AmiinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24424
Last post October 31, 2016, 04:11:20 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax xanuun, daal iyo kuleel ayaan isku arkay?

Started by KaamilaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25725
Last post February 01, 2010, 09:40:50 PM
by SomaliDoc