Author Topic: Su'aal: Wan gursadey 21 jir anoo ah?  (Read 4675 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cali Farax

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Wan gursadey 21 jir anoo ah?
« on: July 24, 2017, 07:31:53 PM »
Asc taqaatirka iyo asxabtisa waxan joga bartamaha somalia salan kadib waxa rabaa inan idin lawadaago sheko iso martey iyo hadii ay cafimadka lug ku leedahay la sheego.

Wan gursadey 21 jir xiligas dhaqalo ayan haystay balse muddo kadib dhulkii an jogey abaar daran aya ku habsatay  kadibna wan musalifey xaaskeya an jeclahay xaamilo ayey ehed xiligas nolosha ciriiri ayey noqotey anna dhaqalo mahayn

Balse waxan awoda saaray dhinaca H B ga iyo tamarteeda si aysan hoos ugu dhicin labadaas

Sidoo kale waxan go'aansadey dhaqalo kasta aan helo ama an dayn ku keeno inan ku nafaqeyo
Waxan ukeni jirey hilib geel ama oodkac iyo timirta oo si xoogleh gurigeena u keeni jirey
 
Mar ay xanuunsatey  hosbital ayaa geeyey oo10 maalin aanu ku jirney  waxa laga daaweynayey gaas iyo malariyo kuwniin hadi anan khaldanen falenbo aya lagu dari jirey 4 afar afar sac ayey ku xirnaneysaa 

Balse xanunkii 10 malin isku si ayu uhayey mataglee
Kadib hoyo iyo edo aya wada hadlay anna wan iska amusay
#Dr ka wa laga qariyey debka
Kadib calosha aya laga gubey 3meel  kadibna isla habeenkii matagga wey joojisey
#sababta uu debka mataga u joojiyey ma garan
 
Nimcada rabbi waa mid ballaaran rabigena waxan ugu mahadceni nimcada uu isiiyey

Malin ayey xaskeyga bushaari yar karisey si ay u cunto balse ma aysan cunin badarkii maalinkii oo dhan wax yar maahane
maqribkii ayey foosha qabtey hosbitalka ayan ayan geeyey balse waxey ii sheegen iney tabar darri ay hayso gabadha

Rabbi ayan baryey inuu u sahlo foosha
Habeenkii oo dhan baryada rabbi ayan ku ku jirey inkastoo dadka i fiir fiirinayeen
  Uma joojin in aan rabbi tuugayo
Rabbi wuu sahley foosha anagoon dhib arag iyo wixii la saadaalinayey




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Wan gursadey 21 jir anoo ah?
« Reply #1 on: May 21, 2018, 03:17:13 PM »
Alle ayaa mahadsan, dadaalkaaga iyo Alle ku xirnaantaada ayuu xaaskaaga ugu fududeeyay foosha.
Midda kale jirka bini'aadanka wuxuu leeyahay keyd nafaqo oo markii xaalad degdeg soo wajahdo uu isticmaalo, laakiin hadduu qofka awal cunnadiisu liidatay oo keyd la'aan ahaa,  markaas ayaa daran.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Habeenkasta waxaan soo toosaa anoo isku kaajay si bilaa dareen ah?

Started by Naciima/maxamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5473
Last post February 10, 2016, 02:25:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ovarian cyst anoo qaba uur ma yeelan karaa?

Started by Qaali10Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4687
Last post April 20, 2015, 02:51:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Anoo dibirsan ayaan subixii soo kacaa?

Started by Hamze_aBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45912
Last post October 13, 2019, 12:14:20 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Anoo umul ah in dhinac dareenku iga tago?

Started by Hanna HassanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 2806
Last post May 24, 2019, 06:00:25 AM
by Hanna Hassan
Su'aal: Anoo dawada TB da fiiican u dhamstirtey?

Started by c/jibaar yareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4550
Last post October 22, 2016, 04:58:06 PM
by SomaliDoc