Author Topic: Su'aal: Tiibishada ku dhacda makaanka dumarka?  (Read 5194 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Daani

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Tiibishada ku dhacda makaanka dumarka?
« on: July 25, 2017, 11:27:28 PM »
Asc

waxaan aad iyo aad u salamaya dhakhaartiirta halkan ku soo gudbiya wararka  iyo xogaha iyo jawaabaha ay kaga jawaabaa su'aalaha ay usoo gudbiyaan  dadwayanaha somaliyeed

waana arin aad ii farxad galisay


waxay tahay suaashaydu

Wiil aan saa xiibo nahay baa xaaskiisa lagu sheegay   Tiibayda ku dhacda makaanka,in ay kaga dhacday makaanka.

 Waxaana loo sheegay in makaanka tuubooyinkiisu xidhmeen suuragal na aysan ahayn in ay uur qaado
balse bacrin iyo in lagu abuuro ay ufuran tahay

markaan  waxaan cod sanaynaa si wada jir ah


1- in naloo sharaxo sida ay suuragal u tahay in  ay urr qaado  iyadoo la isticmaalayo habkan casriga ee bacriminta

2- fursadaha ilmo loogu bacrimin karo in ay tahay wax laysku halayn karo oo qarash iyo hanti loo quudhi karo

3-in baadhista naloo sharaxo iyadoo iskaan ah  baan halkan soo galinayaa


waan ka xumahay
sida aan sawirka usoo galiyo waa kasi waayey


illahay ajar iyo xasanaad haydinka siiyo caaiwintiina




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Tiibishada ku dhacda makaanka dumarka?
« Reply #1 on: May 23, 2018, 09:40:28 AM »
Waa sax, haddii Tiibisho ku dhacdo minka ama tubooyinka, waxay xirtaa tubooyinka, siyaabaha lagu garto markay tubooyinka xiran yihiin iyo baaritaanada la sameeyo ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5791.0

Haddii tubooyinka xirmaan, hooyadu waxay uur ku qaadi kartaa gacan-rimis, taasoo ugxanteeda iyo shahwada ninkeeda la iskula bacrimiyo gudaha minka ama diabadiisa, taasina waxaa kaala talin doono dhakhtarka howshaan kuu qabanayo, wayna dhacdaa in sidaasi uur Alle kugu siiyo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhiiga xaydku intee inleeg ayuu ka maqnaankaraa dumarka.?

Started by AbumohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 59573
Last post August 23, 2010, 06:10:06 PM
by Abumohamed
Su'aal: Waa maxay waaxa dumarka laga gubo xagga hoose?

Started by XanaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16746
Last post April 14, 2011, 06:57:00 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxay dumarka qaar habla un u dhalaan qaarna inama?

Started by Khadar AhmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7196
Last post February 02, 2016, 03:15:53 PM
by SomaliDoc
Su,aal: Xanuunada dumarka kaga dhaca naasaha ibtoda?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20121
Last post May 29, 2009, 08:37:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal:Maxaa keena caadada dumarka oo aan xiligeeda ku iman?

Started by CadarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 251851
Last post July 24, 2009, 12:54:57 AM
by SomaliDoc