Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Diirka ayaan ka murxaa galmada ka dib?

(1/1)

Deeq12:
salaamu calaykum waan idin salaamay dhakhaatiirtayda sharafta badan, salaan ka dib waxaan isku arkay, in markii aan xaaska u tago oo aan galmo sameeyo ay diirka ka murxo halka ku soo xigta qooraha madxiisa ee baarada laga jaray, oo markaa aan awoodi waayo inaan galmadii sii wato , in yar ka dib meeshii dubka ka fiiqmay waa bararaysaa markaa maxaan sameeyaa maxaase keena arintaa. hdana waa bogsanee dharaaro ka bacdi markaan ku noqdo hadana waa sidii. macno iga siiya iyo waxaan samaynlahaa

SomaliDoc:
Waxay u badan tahay in maqaarka xubinta uu kaa hayo caabuqa ka dhasho jeermiska fangsaka, sababtoo ah maqaarka wuu qallajiyaa wuuna jeexjeexaa, markaad howsha samaynaysidne wuu diirmaa, xanuun siyaadane waa dareemaysaa markaas.

U tag dhakhtar si laguu eego, kadibne daawo laguugu qoro, waa muhiim in aadan wax galmo ah samaynin inta laga daaweynayo xanuunkaan, rag iyo dumarba wuu ku dhacaa, waana la kala qaadaa.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version