Author Topic: Su'aal: Qaniinyada Kudkudaha, Ma Sun baa?  (Read 9582 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Qaniinyada Kudkudaha, Ma Sun baa?
« on: August 04, 2017, 12:45:49 AM »
Asc dhammaantiin xubnaha bogga, martida iyo Somalidoc.
Intaa ka dib.
Waxaan maanta tagnay suuq xoolaha lagu iibiyo, intii aan suuqa joognay waxaa lugaha inta hoose naga qan qaniinayey bahallo hoosaad yar yar oo qaniinyo kulul, waxaanu aheyn ilaa afar qof.
Aniga iyo mid kale waxaanu dareennay cun cun aad u kulul oo dhinaca sare ee cagaha ah.
Saacaddo ka dib, markii aan ka soo tagnay suuqii xoolaha, aniga waxa aan isku arkay in ay caguhu i barareen,  qanjirrada qaarkoodna aan xanuun ka dareemay iyadoo uu cun cunkii cagahana igu sii kordhay.
Ka dib, waxaan cagaha mar mariyey Xabadtu Sowdo iyo saliid Macsaro.
Halkaan ka akhriso Xabad Sowda http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5502.0

Halkaan ka akhriso saliid Macsarada http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3195.0 
Waxaan kaloo saar saarey biyo kulul oo aan ku shubey koob.
Sidaas buu xanuunkii iiga ba'ay.
Su'aasheyduna waxay tahay;
Qaniinyada Kud kudaha ma sun baa?
_____________________________
KUD KUDE:- (-ha) Bahal yar yar oo Geella iyo xoolaha qaniina oo aan duul duulin, ishuna aanay fudeyd u arkeynin, muuqaalkiisa oo digada u eg darteed.
Mahadsanidiin.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qaniinyada Kudkudaha, Ma Sun baa?
« Reply #1 on: June 03, 2018, 07:36:32 PM »
Kud-kuduhu waa jaad ka mid ah shilinta oo waaweyn, wuxuu keenaa xanuun qanjirrada barariya oo keeno murqo xanuun, barar, daal iyo tabardarri jirka ah, faahfaahinta ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1818.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Qaniinyada Cayayaanka (Insect Bites)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 22663
Last post February 11, 2009, 09:53:51 PM
by SomaliDoc
Qaniinyada iyo Xagashada Xayawaanka

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 17416
Last post February 03, 2011, 08:12:59 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qaniinyada dibqalooca?

Started by Huud252Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 248791
Last post February 05, 2021, 09:04:13 PM
by Milica_soomali