Author Topic: Lamaanaha Isla Jiifsado Iyo Caafimaadka.  (Read 89755 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Lamaanaha Isla Jiifsado Iyo Caafimaadka.
« on: August 12, 2017, 09:25:15 PM »


    Bismillah,

    Cashirkaan waxaan kaga jawaabi doonaa su'aashii ku saabsanayd lamaanaha isqaba oo aan wadaagin sariirta jiifka iyagoo aaminsan in caafimaad darro laga qaado dumarka lala seexdo.!!

    Marka hore, Ilaahay ayaa bini'aadanka u abuuray lab iyo dhedig, Isagaane ka dhigay kuwa isku baahan oo aan kala maarmin, wuxuuna quraankiisa iyo xadiithka rasuulkiisa ku sheegay in guurka iyo isutagga lamaanaha ka qaadaan kalgacal, naxariis iyo daganaansho lamaanaha dhex dhigay.

    Arrinta ku saabsan in haweenku ay neefsadaan ama soo daayaan hawo xambaarsan walxo caafimaadka u daran waa khuraafaad ku dhisan dhaqan qallafsan oo lagu qarinayo dhaqamo horay u jiri jiray oo laga guuray. wax salne kuma lahan diinta iyo caafimaadka labadaba.
    Rasuulkeena suuban NNKH wuxuu noo sheegay in xitaa xaasaskeena la wadaagno sariirta xilliga ay caadada qabaan, weliba aan wax walba isdhaafsiisan karno markii laga reebo jamaaca. Wuxuu kaloo rasuulkeena NNKH ka digay in laga hijroodo ama laga guuro firaashka haweentaada iyadoo lagu xiray shuruudo adag in looga hijroon karo weliba iyadoo ah muddo gaaban.

    Taariikhdii hore iyo la dhaqanka dumarka:
    Waagii hore, dumarka waa la yasi / quursan jiray, caruurta ayaa lala mid dhigi jiray, talo iyo tusaale lama waydiin jirin, waxaana loo arkay balaayo loo baahan yahay, waxaana taariikhdaas ka dheehan kartaa maahmaahyada soomaalida ee dumarka ku saabsan kuwaasoo qaarkood illaa iyo hadda la adeegsado iyadoo ka tarjumayso xaaladii ay ku noolaan jireen iyo qaabka loola dhaqmi jiray, taasoo u muuqato in laga sii gdubayo.

    Maxaa keenay in lamaanaha waagii hore aysan isku meel seexan?
    • Waagii hore ma jirin sariir laba qof iskula seexan karto, guryahane waxay ahaayeen kuwo yaryar oo aan la dhigi jirin sariir laba qof iskula seexan karto.
    • Waxaa kaloo la aaminsanaa inay ceeb tahay in ninka ragga ah iyo xaaskiisa ay hal sariir ka soo wada toosaan subaxii iyadoo la dacaayadayn jiray qofkii ragga ku dhex sheega war dumar, ragguna way ka faani jireen arrimahaas. Soomaalidu waxay tiraahdaa "rag loogama sheekeeyo waxay dumar ku maahmaahdee..."
    • Iyadoo caruurta yaryari ay hooyada la wadaagi jireen sariirta, odaygane uu jiifsan jiray dibadda kore.

    Maanta iyadoo aysan jirin baahi banaan loo jiifsado ama sariir kale ama qol kale iyo iyadoo laga sii ilbaxayo yasiddii iyo quusigii hore ee dumarka lagu hayay, caafimaad ahaan iyo diin ahaanba ma haboona in raggu ay ka guuraan sariirtooda.

    Caafimaadka iyo Isla Jiifadka Lamaanaha:
    Dhowr diraasadood oo lagu sameeyay lamaanaha isla jiifsada, waxay isku waafaqeen dhowr arrimood oo kala ah:
    • Isla jiifadka wuxuu xoojiyaa jacaylka lamaanaha, wuxuuna siyaadiyaa isu soo dhawaanshaha labada qofood taasoo dheerayso xiriirka iyo isla joogga lamaanaha - waxaa lagu arkay diraasadaan in lamaanaha kala seexda ama markay isku baahdaan kaliya isa soo raadsadasada in xiriirkooda badanaa u ekaado mid ku dhisan danaysi, una sahlan tahay labadaas qof inay kala tagaan.
    • Lamaanaha isla jiifsada waxaa kordha hormoonka farxadda "Happy hormone" oo caafimaad ahaanne loo yaqaano "Oxytocin", lamaanaha waxay helaan farxad iyo raynrayn, taasoo qofka dabcigiisa saamayn ku reebto.
    • Lamaanaha sariirta wadaago waxaa la arkay inay ka hurdo fiican yihiin, ayna ku yar tahay qarawga iyo ka soo argagaxa hurdada markii lagu fiiriyo dadka kaligood jiifsada, waxay kaloo diraasadda sheegtay inay dhakhso hurdada helaan.
    • Isfahanka iyo xallinta umuuraha nolosha waxay u fududahay lamaanaha isla seexdo markii la barbar dhigo qolooyinka kala jiifsado, diraasad lagu sameeyay dalka Australia ayaa arintaan hoosta ka xariiqday.
    • Diraasad ka mid ah diraasadaha laga sameeyay arintaan waxay sheegtay in cimri degdeg laga qaado kala jiifsashada, akhriso qoraal hore oo aan kaga hadalnay waxyaabaha keeno cimri degdegga oo loola jeedo in qofka faciisa ka muuuqaal duqoobo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7911.0
    • Lamaanaha isla jiifsada waxay dareemaan ammaan iyo nabadgalyo, taasoo lagu arkay baaritaanno la sameeyay in heerarka hormoonka loo yaqaano "Cortisol" oo u sabab ah "stress-ka" iyo diiqada uu aad ugu hooseyso lamaanaha isla jiifsada.
    • Sidoo kale diraasad lagu sameeyay dad ka badan 1,000 qof oo u dhashay dalka ingiriiska waxaa lagu xaqiijiyay in lamaanaha jiifsada iyagoo isku dheggan "Cuddlers" weliba aan dhar qabin / qaawan inay ka heli og yihiin faa'idooyinka kore markii loo fiiriyo dadka sariirta uun wadaaga iyagoo dharkooda gashan - arintaan istaabsiinta jirka qaawan wa mid caafimaad ahaan jirta laguna xaqiijiyay diraasado badan oo lagu sameeyay lamaanaha isqaba iyo hooyada heysata caruurta yaryar, waxayna arrintaan kordhisaa waxa loo yaqaano "Bonding" oo ah xoojinta xiriirka jirka iyo nafsiga ee ka dhaxeeya labada qof.

    Talada SomaliDoc:
    Waxaan casharkaan ku soo gabagabaynayaa in raggu aysan u baran seexashada meel aan ahayn sariirta jiifka, dumarkana sidoo kale, weliba waa in sariirta jiifka ay hooyadu ka ilaalisaa inay la jiifsadaan caruurta khaasatan kuwood yaryar, taasoo ragga qaar ku kallifta inay meel kale jiifsadaan, kadibne ay la qabsadaan in la kala seexdo.!

    Haddii aad u baahan tahay la talin khaas ah oo ku saabsan dhaqidda guriga iyo tacaamulka lamaanaha, fadlan igala soo xiriir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/

    Caafimaad buuxa iyo qoys is-jecel, mahadsanidiin.
    http://somalidoc.com[/list]


    Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

    Igala Soco: