Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Galmada badan dhabar xanuun ma keentaa?
(1/1)
Abdale Abdi:
Asc
doctor waxaan kuwaydiinlahaa, galmada badan makeentaa dhabarxanuun qaybta hoose ee dhabarkaa,
maxaa daawo u ah hadii xanuunka dhabarku siidherado.
SomaliDoc:
Haa, way keeni kartaa inkastoo ay ku xiran tahay inuu awal qofka dhabarka laga hayay ama lafahiisu ay tacbaan ahaayeen ama qaabka loo sameeyay howsha ay dhabarka culeys saartay, laakiin badanaa waa xanuun laga gudbo oo aan wax dhib ah reebin.
Hadduu xanuunka joogto noqdo ama qaarka dambe aad tabardarri ama kabaabyo ka dareentid waa inaad dhakhtar la la xiriirtid sababtoo ah waxaa laga yaabaa inay cilladaan ku haysato ee aad ka akhrisan kartid qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7796.0
Navigation
[0] Message Index
Go to full version