Author Topic: Su'aal: Hurdo la'aan muddo 2 bilood ah?  (Read 2976 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dahirash

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Hurdo la'aan muddo 2 bilood ah?
« on: August 17, 2017, 05:46:24 PM »
Asc Dhakhaatiirta sharafta leh. Salaan kadib waxaan ka cabanayaa hurdo la,aan muddo 2 bilood ah. Ma seexdo inan kaniini cuno moyaane. Waxaan cunaa kaniini la yiraahdo lorazepam, mar hbn dhaaf baan u cunaa marna waan iska cunaa hbnkii. Waxaan dareemaa wadna garaac. Cagaha oo kuleyl i noqda gaasna waan qabaa caloosha aanan ka nasan..

Maxaa igula talin lahaydeen hurdo la,aan iyo wadna garaaca hbnkii?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hurdo la'aan muddo 2 bilood ah?
« Reply #1 on: June 26, 2018, 11:12:31 AM »
Hurdo la'aanta waxyaabo badan ayaa keeni kara, waxaad u baahan tahay waraysi dheeraad ah si loo ogaado cilladda rasmiga ah, midda kale daawada hurdada laftirkeeda haddii aad la qabsatid waxay keentaa in la'aanteed aad jiifan kari wayso, midda kale kor hurka iyo wadne garaaca xanuunka gaaska ee lagugu sheegay wuu leeyahay, inay cillad kale ay jirtane waa suuragal, fadlan la xiriir dhakhtar guud si waraysi iyo wiisito laguugu sameeyo. Haddii aad talo dheeraad ah u baahan tahay, nagala soo xiriir qeybta farriimaaha ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Habeenkii oo qeybna la hurdo qeybna?

Started by DalmarowBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6272
Last post February 08, 2019, 09:19:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41563
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxan muddo dareemayeey feeraha dushooda xanto xanto yar?

Started by QawdhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7650
Last post May 15, 2013, 10:27:18 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan isku arkay hurdo i qabaneyso marka aan wax aqri maago?

Started by Zaki IslakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4816
Last post March 30, 2016, 04:35:55 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: DHIB INTEE LEEG AYEY KEENSAN KARTAA HURDO LA AANTU?

Started by NoahmanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6456
Last post April 10, 2016, 11:04:12 PM
by SomaliDoc